Wednesday, November 27, 2013

Guddoomiye Cirro Oo Sidiiran Dalka Loogu Soo Dhaweeyay


(GNA) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani C/raxmaan Cirro, ayaa maanta dib ugfu soo laabtay Magaaladda caasimada ah ee Somaliland.




 




Goddoomiyaha Waddani oo ka soo degay madaarka hargeysa, ayaa waxa uu dadweynihii soo dhoweeyey kala hadlay Xarunta xisbiga waddaani ee magaaladda ahrgeysa, waxaanuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay  inay si ballaadhan u soo dhoweeyaan.




 




Guddoomiyaha waddaani waxa uu sidoo kale ka hadlay arrimaha diiwaan gelinta  waxaanuu ugu baaqay dadweynaha inay is diiwaan geliyaan si ay codka u siiyaan xisbiga waddani, waxaanuu si ngaar ah ula hadlay dhalinyarada, diwaan gelintaas oo uu sheegay inay billaami doonto bisha afraad ee sannadka soo socda.




 




Waxa isuga halkaasi ka hadlay, Guddoomiyan xegeenka wadaani Axmed Muumin seed, waxaanuu wax laga xumaado ku tilmaamay inay xukuumaddu caga jiglayn iyo xadhig isugu darto, rag waday soo dhowaynta guddoomiyaha, isaga oo ku tilmaamay arrintaasi mid cabudhin ah oo aan sharciga waafaqsanayn.




Gobanimonews.-office




hargeysa-