BOORAME(GNA)-Maayarka Magaalada Boorama ayaa maanta furay kulan socon doona mudo 2 Maalmood ah kaasi oo lagu baranayo sidii degmada Boorama looga yagleeli lahaa nidaamka loo yaqaan kobcinta dhaqaalaha maxaliga ah (Local Economic Development), kaasi oo ay ka faaiidaysanayeen ganacsato, ardayda jaamacadaha, madaxda dawlada hoose iyo ka qaybqaatayaal kale.
Maayar Saleebaan oo kulankan ka hadlay ayaa yidhi “Waxa ay tani tahay fursad si gaar ah u mudan in looga faaiidaysto si loo kobciyo dhaqaalaha maxaliga ah ee degmada, kulankan waxa wada hayado ajinabi ah, balse waxa la doonayo in laga midho dhaliyo waa maskaxdeena oo la rabo inay ka soo maaxato waayo aragnimada ku aadan dhaqaalaha kala duwan ee ay degmadeenu ku fiican tahay, waxa intaasi ka dambeeyay waxa loo baahan yahay in la kala siiyo mudnaanta loona gogol xaadho sidii ganacsiyada aad soo xusheen loo dhiiri galin lahaa isla markaana looga dhigi lahaa kuwo ay degmadu ka faaiidaysato”
Kulankan oo qayb ka ah kulamada ku jira mashaariicda isku dhafan ee loo yaqaan JPLG ayaa waxa la filayaa inay ka soo baxaan go’aamo iyo talooyin u adeegaya kobcinta dhaqaalaha degmada Boorama
Wariye Mustafe Caraale
Gobanimo news
Borama office