Tuesday, November 26, 2013

Kenya: Maleeshiyo Xoog kula wareegtay Tuulo xad ku taala


Boliiska Kenya ayaa wadoahowlgallo looga hortagayo dabley hubaysan oo la wareegay tuulo ku taalla woqooyiga Kenya.




Dableydan oo ka soo jeeda qabiilka Bokoot ayaa weerar ku qabsaday tuulada Lorokoon ee gobolka Turkaana.




Hay'adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa sheegtay in dableyda ay halkaas ku haystaan 900 oo ruux.




Dableyda ayaa sidoo kale la sheegay inay la wareegn xaryo ay leeyihiin boliiska Kenya.




Afhayeen u hadlay taliyaha ciidanka Boliiska ee Kenya David Kima'iyu ayaa beeniyay warkaas.




Waxa uu sheegay in aanay jirin xeryo ay leeyihiin ciidanku oo ay dableydu la wareegeen.




Gudoomiyaha Degaanka Turkana ayaa horey u xaqiijiyay in dableydu ay qabsadeen tuulada.




Dowladda ayaa sheegtay inay bandow ku soo rogtay tuuladaas iyo dhulka ku wareegsan.




 Turkaana, Dumarka iyo ragga Turkaanada ayaa weli ku dheggen dhaqankooda




Dagaallo hubaysan ayaa ka dhaca xadka ay wadaagaan labada qabiil ee Turkaana iyo Bokot, oo midba kan kale ku eedeeyo inuu ku soo xadgudbo dhulka daaqsinka u ah kan kale.




Nin ka mid ah dadka degaanka oo BBC-da la hadashay ayaa sheegay in dadka tuulada ay xitaa ku adagtahay inay banaanka u soo baxaan.