Thursday, November 28, 2013

Muqdisho: Dab-ka kacay Lambar 4 ayaa sababey Khasaare badan.


Muqdisho(GNA)-Dab xoog leh oo khasaare badan geytay ayaa  goor dhaweyd ka kacay garaash ku yaal meel u dhow isgoyka lambar 4 ee magaalada Muqdiho.




Dabkaan oo la aaminsan yahay inuu geystay khasaaro badan oo hantiyadeed ah ayaa goor dhaweyd lagu guulaystay in la bakhtiiyo, balse wali waxa socda daad guraynta Hantidii ku gubatay iyo tiro koobkeeda.




 Gaadiidka dab damiska ee gobolka Banaadir ayaa isugu tagay halkaasi kuwaasoo ku guulaystay inay bakhtiyaan.




Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in gaadiid yar yar oo nooca raaxada ah ay ku jiraan garaashka dhexdiisa, kuwaasoo gubtay.




Goob-joogeyaasha ayaa sheegaya in gaadiidka dabkaasi ku gubtay gaadhayo ilaa 70 Gaadhi, Guryo iyo Hanti kalena ku gubatay.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hay’adaha amaanka iyo maamulka Gobolka toona oo la xidhiidha sababta dabkan dhalisay, balse wali wax socda tiro koobka iyo baadhis, sida ay saraakiisha amnigu sheegeen.




La soco wixii ka soo kordha..