Wednesday, November 27, 2013

Somaliland: Marxuum Qaybe oo Aas qaran loo sameeyay Maanta


Madaxweyne Siilaanyo oo Sifooyin ka bixiyay Marxuumka Taariikhdiisa, Muxuuse ku tilmaamay?




Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Maanta ka qayb-galay Aaska Marxuum Axmed Maxamed Aadan qaybe, oo shalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.




Marxuum Qaybe ayaa ahaa Rug-cadaadi siyaasiya oo muddo dheer ku soo jiray Siyaasadda, door weyna ka soo qaatay dib u dhiskii Somaliland.




Maanta ayaa si heer qaran ah loogu aasay Xabaalaha Qaranka ee Xaafadda Shacabka, waxaana aaskiisa ka soo qayb-galay boqolaal ruux oo isugu jira Masuuliyiin dawladdeed, madaxdhaqameed, siyaasiyiin, Ganacsato iyo Bulshada rayidka ah, kuwaasoo isaga kala yimi Goboladda somaliland.




Inta badan Dadkii ka soo qayb-galay Aaska ayaa ka waramay Taariikhda Marxuumka qofka wixii uu ka yaqaanay , waxaanay isku raaceen inuu ahaa mid ka mid ah Tiirarkii bud dhiga  mideynta Bulshada somaliland sanadihii sagaashamaadkii ilaa 2005-tii oo uu ka fadhiistay siyaasadda, inkasta oo uu hada ahaa la Taliye madaxweyne.




“Ilaahay Samir iyo Iimaan haynaga siiyo Axmed oo ahaa shakhsiyad Taariikh dheer leh, oo qaranka somaliland ku weyn”ayuu yidhi Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).




Waxaanu intaasi ku daray “Taariikh badanbuu Qaybe ku lahaa Umadatan, wax badanbuu u soo taray, wax badanbuu u soo maray, wuxuu ahaa Nin sharaf leh, qiimo leh oo dadku Ixtiraamo”ayuu yidhi .




Siyaasiyiin kale oo ka hadlay Aaska marxuumka ayaa iyaguna wax ka tilmaamay sifooyinkii shakhsiyadeed iyo siyaasadeed ee looga bartay Marxuum qaybe intii uu aduunka korkiisa ku uunaa, waxaanay dhamaantood ku tilmaameen Geesi ka dhintay umadda Mandaqada ku uuman.




Axmed Maxamed Aadan qaybe, muddo ka badan 25 sanadood oo uu kaalin mug leh kaga jiray siyaasaddii dibada ee dawladdii dhexe ee somaliya ee bur-burtay 1991-kii, waxa uu ka mid ahaa shakhsiyaadkii ka qayb-qaatay Mideynta Goboladda Somaliland ee Bariga iyo Galbeedka.




Markii ugu dambeysay ee uu sida weyn uga dhexmuuqday siyaasadda wuxuu ahaa Guddoomiyaha Golaha wakiillada, xilkaasoo uu wakhti dheer hayay.




Alle ha u naxariistee shalay lixdii Subaxnimo ayuu ku geeriyooday Guriga uu ka degenaa Magaalada Hargeysa.




Inaa lilaahi wa inaa Ilaahi Raajucuun.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com