Saturday, November 30, 2013

R/wasaare Saacid: Waa in la joojiyo Dagaalka ka socda Gobolka Sool”.


Somaliland oo ka Aamustay Dagaalka ka dhacay Taleex iyo Raysal-wasaare Saacid oo Baaq diray.Warbixin




Muqdisho(GNA)-Xukuumadda Somalia ayaa cambaareysay Dagaal labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay Deegaamada Degmada Taleex ee Gobolka Sool ee Somaliland.




War ka soo baxay Xafiiska reysal-wasaaraha Dawladda federaalka Somaliya ayaa lagu sheegay inay dawladdu ka xuntahay Dagaalkaasi, waxaana lagu baaqay in la soo afjaro.




Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaaliga Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa u tacsiyeeyay dhamaan qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool.




 “Waxaan u tacsiyaynayaa dhamaan qoysaskii khasaaruhu ka soo gaaray dagaalkii dhawaan ka dhacay Taleex: Intii dhimatay Alle ha u naxariisto, kuwa dhaawacaana ha u booga dhayo,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.




Waxaanu intaasi ku daray “waa in miyir, daganaansho, iyo walaaltinimo lagu xaliyo xaaladda taagan iminka”.




Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga waantoobo in xalka lagu raadiyo dagaal.




“Xukuumadda Federaaliga Soomaaliya waxay markale ku baaqaysaa in si walaaltinimo ku jirto loo xaliyo xaaladda ka taagan deegaanka Taleex.




Waxayna dhanka kale ka digaysaa dhibaatada uu shacbiga iyo deegaanka u gaysan karo dagaal ka sii socda gobolka Sool”ayuu yidhi.




Maleeshiyaad ka soo kala jeedda Khaatumo State iyo Puntland ayaa ku dagaalamay deegaamo hoos yimaada Degmada Taleex.




Khasaare nafeed iyo mid adduunba wuu sababay, sida ay Wararka naga soo gaadhay sheegayaan.




Ilaa hada saansaan colaadeed ayaa ka oogan Gobolka Sool, gaar ahaana deegaamada lagu dagaalamay.




Dawladda Somaliland oo deegaamada lagu dagaalamayo sheegata ayaan ilaa hada ka hadal dagaalkan khasaaraha sababay.




Hase ahaatee asxaabta mucaaridka ah iyo xubno siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda Gobolka Sool, ayaa ku dhaleeceeyay Puntland inay dad rayid ah xasuuqday.




Waxa ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliileen inay daawanayso dagaalka lagu soo qaaday shacbiga Gobolka Sool.




Xisbiga Waddani iyo siyaasiga Fu’aad aadan Cadde oo ka mid ah siyaasiyiinta Gobolka sool ka soo jeeda ayaa ka mid ah xubnaha xukuumadda ku dhaleeceeyay arrintan.




Wargeysyada ka soo baxa Caasimada Hargeysa ayaa qaarkood sheegayaan inay xukuumaddu xaalada ka taagan taleex kaga mashquushay dhaqdhaqaaqyada Xisbiyada Mucaaridka somaliland oo ay ka door biday difaacista danaha waddanka.




Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa fadhiisimo waaweyn ku leh Gobolka sool, hase ahaatee ilaa hada ma jirto wax talaabo milateri ah oo ay qaadeen.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com