Thursday, November 28, 2013

Somalia:Tiradda Xildhibaanada kala taageersan M/weynaha iyo R/wasaaraha oo isku dhadhow


Xasan Sheikh Maxamuud iyo Reysal wasaare saacid oo shalay la kulmay tiro xildhibaano isku dhadhow oo kala taareersan"Warbixin




Muqdisho(GNA)-Loolan ka dhexeeya Madaxweynaha Somalia iyo Raysal-wasaaraha ayaa cirka isku sii shareeraya.




Kulamo gooni-gooni ah ayaa ka socda Madaxtooyada iyo Hudheelada ay ku kulmaan dadka siyaasadda ku foogan oo ay ka mid yihiin Madaxda Dawladda.




Maalintii shalay ayaa la sheegay in Dhoolatuskii ugu balaadhnaa dhacay, isla markaana labada masuul mid waliba tiro xildhibaano ah oo aad isugu dhaw kulan la yeeshay, kuwaasoo labadooda kala taageersan.




Tirada xildhibaanada ay kala haystaan ayaa aad isugu dhow hada, waxaana dadka arrimaha siyaasada falanqeeyaa ku doodayaan inay adagtahay in fudud lagu kala baxo.




“Madaxweynuhu wuxuu qaddo u sameeyay xildhibaano gaadhaya ilaa 160 Xildhibaan, Raysal-wasaaruhuna ilaa 124 Xildhibaan, markaa sida muuqata way adagtahay in si fudu lagu kala baxaa, kolayna waxa kala adkaanayaa tiro aan sidaa u badnayn”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay khabiir ka faalooda arrimaha siyaasadda somaliya oo Muqdisho ku sugan.




Dhinaca kale, Ololaha labada masuul u dhexeeya ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada, xili maalin qudha inaga xigto wakhti baarlamanku u balamay inay dib uga fadhiistaan mooshinka xukuumadda Raysal-wasaare Saacid laga soo gudbiyay.




Xildhibaano dibada ku maqnaa ayaa maalmihii ugu dambeeyay  ku soo qulqulaya  Magaalada, kuwaasoo doonaya inay ka qayb-qaataan loolanka socda.




Inkasta oo saadaasha ugu badan ee la bixinayaa ay tahay in Reysal-wasaare Saacid lagaga adkaanayo cod u qaadista Xukuumaddiisa, hadana waxa muuqata inay arrintu si kasta noqon karto.




Xildhibaanada wata Mooshinka lagu ridayo xukuumadda ayaa ku andacoonaya inay xukuumaddu gaabis noqotay, sidaasi darteedna loo baahanyahay xukuumad firinfircoon.




Kuwa ka soo horjeeda ayaa iyaguna ku doodaya in Mooshinka ridista ay ka dambeeyaan dano shisheeye iyo talooyin meel kale looga soo gudbiyay Madaxweynaha, iyagoo dhanka kalena difaacaya waxqabadka Xukuumadda sanadka jirtay.




Maalinta Sabtida ayaa Golaha shacabka somaliya u balansanyihiin inay dib uga fadhistaan Mooshinkaasi, ka dib markii todobaadkan bilowgiisii shirguddoonku Golaha ka hor sheegay eeddaha loo jeedinayo xukuumadda iyo magacyada mudaneyaasha soo gudbiyay.




Xukuumadda Raysal-wasaare Saacid ayaa meesha ka bixi doonta hadii codka baarlamanka laga guulaysto.




Hadii ay taasi dhici waydo dhinaca Madaxweynaha lagaga guulaysto codka Kalsoonida Baarlamanka, taasi waxay caqabad ku tahay, isla markaana fashilaysaa siyaasadda madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo ay ka go’antahay in isbedel xukuumadeed la helo.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com