Thursday, November 28, 2013

Somaliland: Suldaan Galaal oo Xukuumadda Dhaliilay


"waar maxaa Mashaariicda iyo Dib udhiska loo soo qaddimi la’yahay, maxaa loo qarinayaa ee loo soo Bandhigi la’yahay mashaariicda Chine iyo Buljium la inooga oggolaaday"Shir Jaraa'id




Hargeysa(GNA)-Suldaan Maxamed Cabdilaahi Xuseen(Galaal) oo Ka Mid Haldoorka Dhaqanka Somaliland ayaa Si Kulul u Dhaliilay Dhaqanno Cusub oo waayadan Dambe Lagu Arkay Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo.
Suldaan Galaal oo Maalintii shalay qaar ka mid ah warbaahinta ugu warramayey Huteel Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa, waxa uu Ugu Horrayn ka Hadlay Dhawaaqii dhawaan ka soo yeedhay wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, kaas oo uu ku tilmaamay in Rag ka tirsan mucaaridka Somaliland ay gacan saar la leeyihiin Xukuumadda Xamar.
Suldaan Galaal ayaa Hadal Wasiir Waran-cadde dhawaan ku eedeeyay Mucaaridka  ku tilmaamay mid ku soo baxay ka fiirsasho la’aan, aan laga baaraandegin dhibaatada uu keeni karo, “Ina waran-caddow waxad tidhi Lacag lagu Burburinayo waddanka ayaa laga soo diray Soomaaliya’e Abti Koonfur inaynu wax Geyno mooyee inay wax inoo Keenaan hore u ma ay dhicine, Wax cad ma u haysaa mise Xaal Baan ka Bixiyaa, abti bahashu laydh bay leedahay oo ciidan bay leedahaye sawkuwan iska Fadh fadhiya ee Bilaa Camalka ah,” ayuu yidhi Suldaan Galaa.
Suldaanka ayaa sheegay inaan Ragga Mujaahidiinta ah ee Haatan Waran-cadde Hadalkan kula Dul kufay aan looga Baqanayn inay Arrimahaas oo kale ay gacanta laga galaan, milgahoodana aanay ahayn, waxana uu yidhi, “Ragga Maxamed Xaashi, Dhegoweyne, Xasan Ciise iyo Xasan Guure lihi wixii ay dhisteen ayey cid kale ku Burburinaysaa wax Macquul ma ahee Abti caddayn baa halkaa lagaa rabaa Haddii kale Xaalbaan Halkaas ka Bixyey abti baan kuu ahayoo inanka aad abtiga u tahay waxaad
jeceshahay inuu Guulaystoo oo aan la legdin.”
Suldaanka ayaa farta ku fiiqay inay Nusqaan inagu Tahay inaynu maanta is Hoos Geyno Xamar oo aynu isku Ceebayno ku Xidhnaanteeda, isagoo wasiirkana xasuusiyey inuu Odhaahdiisa dib ugu noqdo,“Anigu Xog-ogaal baan ahayoo Haddii cidi khatar ku keenayso Somaliland Abti Qiyaastii Baa Kaa Luntaye ma aha kuwan ee waa meel kale, ismana aan lahayn inagoo maanta Miisaaniyadeenu Boqol iyo Labaatan milyan oo Dollar tahay ceeb bay inagu tahay inaynu Xamar Eegnaaye, Abti Waxad Habeenno Dhaweyto ku hadlaysay waanu Fajacnay Dadkoo Dhan.” Ayuu Yidhi
Suldaan Galaal, waxana uu intaas ku daray, “ waxan u sheegayaa wasiirka Abtigay Abti Bahashani waa Bahal Nalagu Baayacay oo nala yidhi Caasimadda iyo madaxweynaha qaata oo aanu ka soo Diidnay.”

Waxa uu sidoo kale Suldaanku Faahfaahin ka Bixiyey Sababtii markii hore soomaalidu Dawladnimadda uga dan lahayd oo uu sheegay inay ku Guuldarraysteen, balse Somaliland Guul ka gaadhay wixii ay dhisatay, waxana uu yidhi, “Ujeeddadii Dawladnimada Soomaaliyeed waxa looga dan lahaa in La Sameeyo Astura, iyagoo is lahaa Baylahdiinaydin asturan doontaa oo Isticmaarkaa Guuri, laakiin Markii Dambe Kaashifa ayey noqotay oo way kashiftay soomaalidii, Inaguna markii Taasi Burburtay waxaynu Doonanay Dawlad yar oo Astura ah, maantana waxaynu maraynaa Marxalad Fiican, waxana aynu samaynay Tanaasulaad oo maynaan kala Adkaanin. Adina Nabadgelyadii Raggii igala Qayb Qaatay Baad ka mid ahayd, Bahashaad maanta tidhi Koonfur baa laga Baabi’inayaa dhibkaasaanu u soo marnay.”

Dhinaca kale waxa uu Suldaan Galaal ka hadlay Arrimo siyaasadeed badan oo la xidhiidha Dhinaca Siyaasadda oo inta badan aan Bulshada loo Soo Bandhigin, iyo Heshiisyo Mashaariic Guulo leh oo Xukuumaddu La Gaadhay Dawladaha caalamka ee Mashaariicda Wax ku Oolka ah Bixiya,
“Dawladda Muqdisho waa kuwii inagu sheegay inaynu Gobollo ka mid ah
nahay markii ay ku-meel gaadhnimada ka baxeen, laakiin shirkii dhawaan
ka dhacay Dalka Beljium-ka ee Soomaaliya hallagu caawiyo la yidhi, waftigii Dawladda Soomaalida Halkaas u tagtay waxa lagu xidhay oo lagu yidhi Somaliland Nabadgelyo ayey Haystaan idinkuna Ictiraafkii Baad haysataan, markaa Mashaariicda la soo qaybsada oo la soo sameeya, Shirkii dhawaan Chine ka dhacayna waxa lagu Go’aamiyey oo Soomalia loo sheegay inaynu Chine la Tagno mashaariic aynu u wada Dhannahay, wax aynu ka Maqanahayna la siin maayo oo loo Oggolaan maayo” ayuu
yidhi Suldaanku.

Sidoo kale waxa uu Suldaanku Xusay in wixii dhib ah ee Shacabka iyo Waddankaba Soo Gadha ay kala Xisaabtami Doonaan Xukuumaddan Kulmiye, waxana uu yidhi, “Maanta Haddii waddanku wax Noqdo cidda aanu u haysanaa waa Kulmiye, cidda xukunka haysata iyo Tujaartooda ayaanu u haysanaa, ninka Talo Diidaana waa Gar Diid. Wada tashi iyo in wax la wada ilaaliyo ayaa loo Baahan yahay.”
Ugu Dambayntii waxa uu Suldaan Galaal is weydiiyey sababta ay xukuumaddu u qarinayso Mashaariic uu sheegay in Dunidu inoo Oggolaatay, waxana uu ka Codsaday in Mashaariicdaas la Hawlgeliyo oo
dadka wax loogu qabto, waxana uu yidhi, “waar maxaa Mashaariicda iyo Dib udhiska loo soo qaddimi la’yahay, maxaa loo qarinayaa ee loo soo Bandhigi la’yahay mashaariicda Chine iyo Buljium la inooga oggolaaday ee lagu Ballamay in labada Madaxweyne Saxeexaan.”