Tuesday, November 26, 2013

Ciidamada Cirka Israa’iil oo Sameeyay Dhoolatus Milatari Weerar Ay Ku Qaadaan Saldhigyada Nukliyeerka Iraan-Daawo


(GNA) Ciidamada Cirka Israel ayaa dhoola tus milatari oo u diyaar garow dagaal ah, samaynayay saacadihii ugu danbeeyay, kaas oo ay kala qayb galeen, ciidamo kala duwan oo ka mid ah saaxiibadooda milatariga sida ay warbaahinta u sheegeen taliska guud ee ciidamada cirka Israel.




Dhoola tuskan oo ahaa mid duuliyayaasha la barayay ama ay galayeen xaalad dagaal oo dhulka iyo cirka intaba lagu dagaalamayo, sida qaab ahaan loo dhigay, waxa ujeedadiisu la xiriiray sidii duuliyayaasha loo bari lahaa ama ay ugu diyaar garoobi lahaayeen duulaan fog, kaas oo aan la qarin ee sida duuliyayaashu u sheegeen Aljazeera, xitaa wada hadalkooda ay ka mid tahay Iiraan.




Diyaaradaha hawada ku kala qaata shidaalka iyo sidii weerar lagu qaado mustaqbalka xarumaha nukliyeerka Iiraan, loogu diyaar garoobi lahaa ayaa ka mid ahaa waxyaabihii dhoola tuskan ay ciidamadu ku qaadanayeen.








 




Gobanimonews.com




Hargeaysa Office