Tuesday, November 26, 2013

Maraykanka oo digniin siiyey Madaxweynaha Afghanistaan Xamiid Karsaay


(GNA) Dowlada Maraykanka ayaa ka codsatay Madaxweynaha Afghanistaan inuu si deg degleh u saxeexo heshiiskii ay wada gaaleen oo ku toosan wadashaqeynta dowladaha Maraykanka iyo Afghaanistaan wixii ka danbeeya sanadka 2014.




 




Heshiiskaasi hore ayuu Madaxweynaha Afghanistaan Xamiid Karsaay uu ku xidhay marka hore inay ansixiyaan beelaha Afghaanistaan madax degen ee ka qeyb galay shirweynihii todobaadkii tagay ka dhacay Kabul ayaa ansixiyey in heshiiska la saxeexo, iyaga oo waliba sii raaciyey in xarumo dheeraad ah Maraykanka kusii yeesho dalka Afghanistaan, gacana ka siiyo ciidamada Dowlada Afghanistaan dhanka amaanka.dhaqameedkooda. Dhamaan beelaha Afghanistaan 








 




 




Xamiid Karsaay ayaa geba gabadii kulankaasi u sheegay Oday dhaqameedka inuu u baahan yahay wakhti dheeraad ah iyo gor gortan kale oo uu lasii galo Maraykanka, arrintan oo ay si weyn u diidan tahay dowlada Maraykanka.




 




Xamiid Karsaay ayaa qodobo cusub ku kordhiyey heshiiskii hore oo ay wada gaaleen Maraykanka, kaasi oo ahaa midkii ay ansixiyeen oday dhaqameedka, wuxuuna Xamiid Karsaay ku daray qodobo cusub oo ay ku jirto, in Maraykanka uu sii daayo dhamaan Maxaabiista reer Afghanistaan ee ku xiran Xabsiga Guwantanamo Bay.




 




Qodobkan ayaa la rumeysan yahay Xamiid Karsaay inuu doonayo inuu u adeegsado heshiis uu la galo kooxda Talibaanka ka dagaalanta Afghanistaan.




 




Maraykanka ayaa hada sheegay in hadii uu Madaxweynaha Afghanistaan heshiiska saxiixo waayo ay ku khasbanaanayaan inay gebi ahaan kala baxaan ciidamadooda dalkaasi, waxayna taasi sheegeen in sidoo kale ay saameyn ku yeelan doonto balanqaadkii hore ee Maraykanka uu dhaqaalaha ugu yaboohay tababarada iyo mushaharka ciidamada Afghanistaan.




Gobanimonews-Harg-Office