Thursday, November 28, 2013

Somaliland iyo Midowga Yurub oo ku Heshiiyay Mucaawimo toos ah:Dhegeyso


Hargeysa(GNA)-Somaliland iyo Safiiro ka socda midowga Yurub ayaa kala saxeexday heshiis lagu dhaqayo Sanduuqa horumarinta Somaliland, kaasoo saamaxaya inay somaliland taageero toos ah ka hesho qaadhaan bixiyayaasha Midowga Yurub.




Sanduuqa horumarinta Somaliland oo dhawr sanadood ka hor la hindisay, ayaa waxa hada ku jira in badan 54 Milyan oo Dollar oo ku deeqeen Denmark iyo Ingiriisku, waxaana heshiiska lagu maamulayo kala saxeexday Maanta Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo safiiradda Somaliya ee Uk iyo Denmark.




Lacagta ku jirta Sanduuqan ayaa lagu maal-gelin doonaa Mashriic horumarineed oo ku taxaluqa Beeraha, Biyaha, Waddooyinka iyo Kalluumaysiga, waxaana jaangoynta mashaariicdaasi awood u leh Xukuumadda Somaliland.




Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo Safiiro ka socda Midowga Yurub, ayaa markii Heshiiskaasi la kala saxeexday ka dib warbaahinta faahfaahin ka siiyay nuxurka heshiiskaasi iyo muhiimada uu leeyahay.




Masuuliyiintan ayaa hoosta ka xariiqay in Sanduuqa horumarinta Somaliland muhiimad khaasa u leeyahay Dawladda Somaliland, isla markaana lagu kabi doono Adeegyada aasaasiga ah ee Bulshada iyo wax soosaarka dalka.




 Xubno ka mid ah Weftiga Safiirada ah ee Midowga Yurub oo hadlay ayaa sheegay inay talaabadani ka dambeysay ku qancid midowga Yurub ku qancay qaangaadhnimada nidaamka dawladnimo iyo amaanka Somaliland ka jira.




Waxaana sheegeen inay si dhow oo toos ah ula shaqayn doonaan Somaliland.




Midowga Yurub ayaa somaliland hore uga waday mashaariic door ah, kuwaasoo ay soo marin jireen Hay’adaha Caalamiga ah ee waddanka ka shaqeeya.




Laakiinse dhaqan gelinta heshiiskan Mucaawimada tooska ah ayaa muujinaya horumarin diblomaasiyadeed oo ay somaliland ku talaabsatay xiligan, inkasta oo aanay wali muuqaan rejo dhaw oo ay ku heli karto Ictiraaf Caalamiya.




Halkan hoose ka dhegeyso Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland oo sharaxaad ka bixiyay heshiiskan dhex maray labada dhinac: