Thursday, November 28, 2013

Somalia: Wariyeyaal Xabsiga loo dhaadhiciyay oo Cuntada ka soomay


"Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa amray in Xabsiga loo dhaadhiciyo Saddexda wariye oo mid ka mid ahi dhibane yahay"Xog




Muqdisho(GNA)-Saddex wariye oo muddo dhawr maalmood ah ku xidhan Xabsiga Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay cuntada ka soomeen markii xabsiga loo dhaadhiciyay.




Wariyeyaashan oo ah saddex, ayaa laba ka mid ah  loo haystaa faafinta war ku saabsan Kufsi lagula kacay Gabadh suxufiyad ah oo ka hawl-gasha Ideecada Codka Haweenka, halka ka saddexaadna tahay Gabadha dhibanaha ah ee sheegtay inay kufsadeen wariyeyaal ka hawl-gala warbaahinta dawladdu.




“Wariyeyaashaasi waxay ka soomeen cuntada markii xabsiga la geeyay, waxaana naloo sheegay inaanay ilaa shalay waxba cunin oo ay ka soomeen cuntada”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Eheladda Suxufiyiinta qaarkood.




Ergeyga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, Nicklas kay ayaa shalay qoraal uu soo saaray ku cambaareeyay xadhiga wariyeyaashan.




Nickolas Kay ayaa todobaadkii hore ku taliyay in baadhis qoto dheer lagu sameeyo dhacdo kufsiyeedka gabadha suxufiyad ahi sheegatay iyo sida ay wax u jiraan , waxaanu cadeeyay inaan loo baahayn inay dhibaato kale dhacdo iyadoo aan kiiskan baadhis dhamaystiran lagu samayn.




Wasiirka arrimaha gudaha Somalia ayaa loo aanaynayaa inuu ka dambeeyay xadhiga kooxda Suxufiyiinta ah, waxaana la sheegay in maalintii la xidhay sidoo kale Saldhiga ka sii daayay mid ka mid ah laba wariye oo Gabadhu ku eedeysay inay Kufsadeen, kaasoo magaciisa la yidhaahdo Cabdicasiis Afrika.




Saddex Wariye ayaa kala ah Faadumo Cabdiqaadir Xasan oo ah Dhibanaha Kufsiga loo geystay, ahna 19 ka hawl-gasha Ideecada Kasmo, Cabdimaalik Yuusuf oo ah Mulkilaha Ideecada Shabeele ee Hawada ka maqan iyo Bashiir oo ah suxufiga waraystay Faadumo.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dawladda Somalia oo la xidhiidha talaabada ay ku kaceen suxufiyiinta oo tirsanaya Cadaalad daro , laakiinse afhayeenka Madaxtooyada oo kiiskan ka hadlay ayaa sheegay inay hay’adaha baadhistu xaqiiqadiisa gaadhi doonaan.




Mid ka mid ah dadka la socda Xaalada wariyeyaashan oo Gobanimo la hadlay ayaa sheegay inay Cadaalad daro uga soomeen Jalka “Cadaalad daro ayay tirsanayaan, Nimankii falka lagu eedeeyay ma xidhna waxa la xidhay iyaga uun, wasiirka arrimaha gudaha ayaa Cabdicasiis Afrika ka soo daayay Saldhiga, kuwa kalena amray in xabsiga loo dhaadhiciyo”.




Wareysiga laga qaaday Faadumo oo la soo galiyay YouTube, waxay ku sheegtay inuu kufsiga u geystay weriye kale oo u shaqeeya idaacadda ku hadasha afka dowladda ee Radio Muqdisho. Waxay sheegtay in bastoolad lagu qabtay, kaddibna lagu kufsaday guri ku yaalla caasimadda, iyadoo magacowday weriyaha ay ku eedeysay dambiga.




Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay in weriye Bashiir uu ku khasbay gabadha inay sameyso fiidiyowga, isagoo intaas raaciyay inaanay boolisku xirin ninka lagu eedeeyay kufsiga.




Afhayeenka wuxuu sheegay in dhibbanaha iyo weriyaha xiran ay hor imaan doonaan maxkmaadda beryaha soo socda.




Bishii la soo dhaafay, ciidanka ammaanka dowladda federaalka waxay weerareen raadiyaha Shabeelle, iyagoo xiray dhammaan suxufiyiintii ku sugnayd xarunta, albaabbadana isugu dhuftay idaacadda.




Bishii February ee sanadkan, maxkamadda gobolka Banaadir ayaa ku xukuntay haweeney sheegtay in la kufsaday iyo weriye Soomaali ah oo wareystay ayada min hal sano oo xabsi ah. Maxkamadda sare oo soo faragelisay dacwadda ayaa laashay xukunka lagu riday weriyaha iyo haweeneyda, waxayna amar ku bixisay sii dayntooda.




Dawladda Somaliya ayaa la filayaa inay Kiiskan Cambaareyn badan kala kulanto, waxaana xusid mudan in falka Kufsiga Suxufi somaliyeed yahay mid ku cusub Somalia, inkasta oo wariyeyaasha la kulmi doonaan dhibaatooyin badan.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com