Tuesday, November 26, 2013

Boorama: Maamulka Degmada oo shacbiga baaq u diray


Borama(GNA) – Kusimaha gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Boorama ahna Meeyar ku xigeenka Mudane Maxamed Muxumed Faarax (Dheerayste) ayaa maanta shirjara’aid oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxaa uu ugu baaqay dadka ku dhaqan magaalada Boorama inay ka qaybqaataan sidii looga shaqayn lahaa bilicda magaalada Boorama, sidoo kalena waxaa uu ugu baaqay shacabka reer Boorama sidii ay u bixin lahaayeen cashuurta.




Hadaba markale waxaa uu kusimaha meeyarka Boorama shacabka ugu baaqay inay kala shaqeeyaan horumarinta magaaladooda iyaga oo waliba ku dadaalaaya sidii ay ubixin lahaayeen cashuuraha ku waajibka ah oo ay intabadan aanay dadka jagooyinka ku xeeran Boorama aanay bixin cashuurtaasi waa sida uu hadalka u dhigaye”waxaan dadka ugu baaqayaa inay nagala shaqeeyaan horumarinta bilicda magaalada Boorama oo ah caasimada gobalka awdal iyaga oo ku dadaalaaya sidii ay qofwaliba inta gurigiisa ku toosan uu u dhisi lahaa, si loo helo magaalo bilic wanaagsan oo la jaanqaada magaalooyinka la midka ah”.




Intaasi waxaa uu ku daray gudoomiye ku xigeenku “waxan idinka digayaa inaad ka dhaga adaygtaan bixinta cashuurta waliba gaar ahaan cashuurta ay la seexdeen maalqabeenada iyo dadka intabadan iibsada jagooyinka waaweyn ee ku yaala gudaha iyo duleedka magaalada Boorama, kuwaasi oo iyagu ka dhigtay baan ay ku kaydsadaan lacagtooda waana wax laga xumaado inay iska bixin waayaan lacagta cashuurta ah ee ku waajibka ah”.




Ugu danbayntii waxaa uu Kusimaha Duqa degmada Boorama ugu baaqay shacabka reer Boorama inay ka faa’iidaystaan bixinta cashuurta oo ay muda kooban ugu talagaleen qiima dhimis “waxan ugu danbayntii idiinku baaqayaa inaad ka faa’idaysataan sadexda bilood ee ka bilaabmaaya bishan hada aan ku jirno oo aanu idiin samayn doono qiima dhimis boqolkiiba konton ah ama 50%, waxaana ay idiinku dantahay idinka oo aanan lacaga cashuura bixin ugu yaraa tobaneeyo sano amaba labaataneeyo sano, waana wadada qudhahaata ee idiin fursada, wixii ka danbeeya sadexdaasi biloodna ma jiri doonto wax la idinka sugo iyo lacag la idinka dhaafaaba”.




Wariye Mustafe Caraale




Gobanimo news.com




Borama office