Thursday, November 28, 2013

Xasan Sheikh: Somaliya waxay u baahantahay Jiil Fahamsan Adduunka”


 



Muqdisho(GNA)Madaxweynaha Jamhuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud ayaa maanta ka qeyb galay munasabad Qalin jebin ah oo loo sameeyay boqol Arday oo ka qalin jabiyayb Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho .



Jaamacadda Simad ayaa ka mid ah jaamacaddaha tirade badan ee Magaalada Muqdisho laga sameeyay sanadihii ugu dambeeyay.




 



Xasan Sheikh Maxamuud ayaa munaasibadaasi ka jeediyay qudbad dhiiri gelisay shacabka ku sugnaa goobtaas.




Madaxweynaha ayaa sheegay inay dawladdu ku dedaali doonto dib u dhiska iyo tayaynta Waxbarashada waddanka.




” Anigu maanta aad ayaan ugu faraxsanahay  horumarka dhanka wax barashadda. Dowladdana wey naga go’antahay in aan taagerno waxbarashadda Soomaaliya, iyo tacliinta sare.”




 



Madaxweynaha ayaa intaasi raaciyay” Walaalayaal, dalalka hormaray waxey ku hor-mareen wax barashadda oo ay hor mariyeen. Arday Soomaaliyeed oo ka qalin jabineyso jaamacadaha dalka waxey tusaale u tahay jiil cusub oo Soomali ah waxeyna kaalin mug leh ka qaadan doonan wax qabadka arimaha bulshada iyo kan ganacsiga gaarka  ah.”




Dalka iyo dadkaba waxey u baahan yihiin jiilkiina oo kale. Jiil fahamsan aduunka cusub oo ku dhisan xog iyo technolojiyadda. Shacabka Soomaaliyeed wey ku soo daaleen dagaal. Umada soomaaliya waxey  idinka sugeysaa in eey ku nacfiyan aqoontiina”




 



Ugu danbeyntii Madaxweyne Xassan sh. Maxamuud  waxoo u tahniyadeeyay ardaydii qalin jabineysay iyo ehelkooda.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com