Friday, November 29, 2013

Boorama: Ku-xigeenka Xisbiga Waddani oo kulamo dareen dhaliyay ka wada Magaalada


Boorama-(GNA) Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbi mucaaradka WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed Oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa shalay galab soo galay Magaalada Boorama oo uu in mudo ah ka maqnaa.




Imaatinkiisan ayaa ku soo beegmaya xili khilaafka cakiran ee u dhaxeeyay xisbigooda iyo Xukuumada Axmed Siilaanyo uu halkii u saraysay maalmihii u danbeysay maraya kaas oo ka dhashay ka dib markii labada dhinac ay dhawaan saxaafada isku mariyeen hadalo weerar iyo weerar cilin ah iyo soo dhawayntii Cirro oo ay xukuumadu kula kacday qaar ka mid ah qabanqaabiyaashii soo dhawaynta Gudoomiye Cirro xadhig iyo cacgo juglayn.




Hadaba markii uu soo gaadhay Magaalada Boorama gudoomiye ku xigeenku ayaa sida illo wadareedyo ka agdhaw gudoomiyuha oo ay Shabakadu xog ka heshay ayaa sheegaya in uu kulamo gooni gooni ah uu la yeeshay bulshada noocyadeeda kala duwan taas oo uu isla xalay kulan albaabadu u xidhan yihiin la qaatay dhalinyarada iyo haweenka halka caawana la filayo in uu kulamo la qaato cuqaasha iyo siyaasiyiinta Degmada Boorama.




Illahan ay heshay shabakadu  ayaa sidoo kale waxa la filayaa inta uu joogo in uu kulamo la qaadan doono Xisbigiisa mas’uuliyiinta heer gobol, heer degmo iyo taageerayaasha xisbiga, kulamadan kala duwan ee uu bulshada Reer Awdal gaar ahaan magaalada Boorama uu la qaadanayo ayaanan ilaa haatan la hayn xogta rasmiga ah ee ay is dhaafsanayaan Gudoomiye Seed iyo taageerayaashiisa ku sugan Boorama oo mudooyinkii u danbeeyay ahaa kuwo isa soo taraya tiro iyo cudud ahaan.




Kulanadan uu gudoomiye ku xigeenku la yeelanayo bulshada noocyadeeda kala duwan ayaa imanaya xili waqtigii ay xisbiyadu qabteen in ay dooda qaran qabanayaan abaabulkeedii lagu jiro oo ay waqti yar oo koobani ka hadhay waxaana loo fasilan karaa in ay qayb ka tahay abaabulka ka qayb galka shirwaynahaas oo ay xukuumada Axmed Siilaanyo sida fiinta horey uga qaylisay.




Si kastaba ha ahaatee waxaaban sugnaa oo aan dhawraynaa natiijada rasmiga ah ee ka soo bixi doonta kulanadaas iyada oo Maamulka Gobolka Awdal noqday mid fadhiid ah oo aan la socon arimaha siyaasadeed ee sidan u baaxada leh ee ka socda Gobolka ee ay ka wadaan xubno mucaarad ah oo bulshada dhexdeeda Saamwayn culus ku dhex leh isaga oo gudoomihii Gobolka Awdal majaraha u hayay uu haatan ka maqanyahay Gobolka oo dalka dibadiisa uga maqan yahay




Gobanimo news.com




Borama/somaliland