Thursday, November 28, 2013

Awdal: Maamulka Gobolka iyo Madaxa Komishanka Doorashooyinka oo Xafiis isku haysta


Boorama(GNA)-Gudoomiyaha komishanka  Doorashooyinka qaranka Gobolka Awdal  Rashiid Xirsi Cali ayaa maanta eedayn culus u jeediyay  maamulka Gobolka Awdal oo uu sheegay in ay xafiiskii ay gobolka Awdal ku lahaayeen ku wareejiyeen ururka Haweenka qaranka Ee Now iyada oo aan la soo wargalin.




Gudoomiyaha oo khadka telefoonka kula soo xidhiidhay shabakada isaga oo ku sugan magaalada Boorama Ayaa waxa uu yidhi”Saaka uunbaan xafiiskii tag is idhi waxaanan ka arkay wax lala yaabo oo ah xafiiskaygii Gobolka noogu dhax yaalay ee komishanka qaranku lahaa oo dad kale ku shaqaysanayaan ilaa xitaa agabkii oo ay ka mid ahaayeen computero iyo ducomentiyo xasaasiya oo ay xisbiyadu lahaayeen oo iyagna la faragaliyay.




Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa kale oo u yidhi”Markii aan galay ee aan arkay ayaa waxa aan su’aalo waydiiyay haween xiligaas ku sugnaa waxa ayna iisheegeen in xafiiskan ay siiyeen maamulka gobolka Awdal ayna sidaas ugu shaqaysanayaan,ka dib waxa aan u tagay Gudoomiyaha ku xigeenka iyo xoghayaha Gobolka Awdal waxa aanan waydiiyay sida ay wax u dhaceen waxaana uu gudoomiye c/nuur sugaal oo ah kusimaha gudoomiyaha uu iigu jawaabay gudoomiyihii waxaa uu maqan yahay ee isaga kala xidhiidh.




Markale Gudoomiye Xirsi isaga oo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi”Go’aan ayaan isla goobtii ku qaatay waxaanan si dhaqsa ah uga raray agabkii muhiimka ahaa ee yaalay xafiiskayga sidaas ayaanan uga guuray oo aan alaabtii ugu soo raray maqsin ku yaala guriga aan ka degenahay Boorama.




Dhanka kale waxa aan isku daynay inaan arintan wax ka waydiino gudoomiye ku xigeenka ahna kusimaha gudoomiyaha mudane C/nuur Sugaal wayse noo suura galiwayday waxaanse khadka telefoonka ku helnay xoghayaha fulinta Gobolka Awdal Mudane Asad Cabdi Jaamac waxaanan wax ka waydiinay eedahan komishankii qaranka Gobolka Awdal u soo jeediyay.




Xoghayuhu isaga oo ka hadlayana waxa uu yidhi”wax ka jiraa eedaymahaasi ma jirto xafiiskani waxa uu ka mid yahay xafiisyada Maamulka Gobolka Awdal waxa uuna xidhnaa mudo haatan laga joogo laba Sanno cid nagala soo xidhiidhtay oo komishanka ka socdaana ma jirto, horeyna anaga ayaa si tabaruca u siinay waxaanan kala nahay laba hay’adood oo kala madaxbaan”.




Xoghaye Asad oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay “Mudadaas dheer ka dib waxaan ku gaadhnay ka maamul ahaan inaanu ka shaqaysiino inaan dardargalino hay’ayadihii dawlada ee heer gobolo’ waxaanan siinay isuduwaha hay’ada samafalka oo bilaa xafiis ahaa sidaas ayaanan kaga wareejinay komishankii qaranka maadaama aan anagu awooda ugu danbaysa leenahay oo ay ka mid yahay xafiiskani kuwo xaruntayada ku dhex yaala marka aan u baahnana aan isticmaali karno oo aanu cidna kala tashan.




Xoghayaha ayaa ugu danbayn eedaynta ka leexiyay gudoomiyaha Gobolka Awdal oo ay markii hore si toos ah ugu socotay taas oo uu noo sheegay gudoomiyaha Komishanka Qaranka Gobolka Awdal uu yahay ka bixiyay xafiiskii komishanka.




Si kastaba ha ahaatee arintan soo kala dhex gashay Maamulada Gobolka ee Komishanka Iyo Kan Dawlada ayaa noqonaysa isku dhicii ugu horeyay tan iyo intii doorashooyinka lagu qaban jiray Gobolka waxaana la odhan karaa waxa ay ka mid tahay maamul la’aanta ka jirta Gobolka Awdal oo gudoomiyaha Gobolku yahay mid aan inta badan joogin Gobolka isaga oo haatana ku maqan dalka Dubai oo aan la sheegin ujeedooyinka uu halkaas u tagay.




Gobanimonews




Boorama Office




Email: editor@gobanimonews.com