Tuesday, November 26, 2013

Haddii Madaxweynuhu Ku Guul dareysto, Mooshinka uu Dabada Kariixayo Waa inuu is casilaa





















Siyaasiga Cali Daacuun







Waa marag madoonto in jahwareer siyaasadeed uu Galay Dalka, waxaana Mas’uuliyadaas ka mas’uul ah, rag ku Jirta Golaha Wasiirada manta Jirta ee uu ra’isul wasaare ka yahay, Mudane (Saacid).




 




Marnaba Khilaafka Ragaadiyey Geedi Socodkii Dowlada, Waxa uu ka Yimid Wasiiro ku jira Xukuumada, kuwaas oo Garwaaqsaday, Hadii Isku shaandheyn lagu Sameeyo Xukuumada inaaney Marnaba Soo Noqoneynin.




 




Wasiiradu, waxey abuureen, in leyska Hor keeno Madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha, waxeyna ku guuleysteen in Madaxweynuhu u Dhega Nuglaadu, Kadib Markii ay u abaal sheegteen, yiraahdeen anagaa Madaxweyne Kaa dhignay, Ma Qurxoona inaad Cidlla Nagaga Tagtid ee Noo Hiili.




 




Wasiiradu waxey ku Qanciyeen Madaxweynaha 275ta Xubnood ee Baarlamaanka, Qof Rabtaa ma jirto Saacid, ee gacan nagu sii inaad tiraahdo, Saacidow Keen Istaqaaladii Isku shaandheyntu Ha’inoo Dambeysee, Sidaas ayaa khilaafku Ku abuurmay.




 




Ma filaayo in ay Guushu Raaceyso Kooxda yar ee ku dhawaaqday Mooshinka, maxaa yeelay waa mooshin ku abuurmay xaqdaro kana yimid Qasriga Madaxweynaha, wasiiradu, waxey isugu jiraan Ururka Damjadiid iyo Urur Diimeedyo kale, marka Laga reebo Wasiirka Arimaha Dibadda oo loo balanqaaday Xukuumadda Nala rid Xukuumadda Cusub ayaa laguugu soo dari Doonaa.




 




Dulucda maqaalkani waxa weeye in madaxweynuhu istiqaalad Geeyo Baarlamaanka Hadii uu ku Guul dareysto Muushinkan ay ku shirqooleen Wasiiradiisu.




 




Manta oo ay Taariikhdu Tahay: 26/11/2013 Wuxuu bilaabay Xasan Shiikh olole Cusub oo taageero Loogu Raadinaayo Mooshinka, Kadib Markii 24/11/2013 laga waayey golaha Baarlamaanka Tiradii laga Sheegay warbaahinta.




 




Wuxuu Xasan Shiikh Maxamuud Bilaabay (Habar Wacasho, Dhaqaale, Balanqaad Xil) Kolkuu xaqiiqsaday inaaney jirin 168dii mudane ee Xildhibaanad Khadiija Ilka Cas ay ka Sheegtay BBC.