Tuesday, November 26, 2013

Tuug Taleefoon uu Xaday soo celiyay qayb ka mid ah macluumaadkii ku jiray!


Nin telefoonka gacanta xaday ayaa qofkii lahaa u soo diray warqad ay ku qoran yihiin nambarradii ku xaraysnaa telefoonkaas.




Warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ninkaas uu soo celiyay Kaarkii ku jiray telefoonka iyo 11 warqadood oo ay ku qoran yihiin magacyada iyo nambararrda ku xaraysnaa telefoonka.




Ninka telefoonka laga xaday ayaa sheegay in tallabada tuuggan ay ka yaabisay.




Bogagga bulshada ee Shiinahana ayaa si weyn looga hadlayaa arrintan.




Dadka qaarkood waxay tuuggan ku tilmaameen in uu yahay nin daacad ah.




Nooca telefoonka la xaday aya ah Iphone-ka, oo ka mid ah mobayllada ugu qaalsan dunida.