Wednesday, November 27, 2013

Somaliland: Cirro oo laga cabsi qabo inuu Cadaadis kala kulmo soo degitaankiisa


Afar ka mid ah Guddida soo dhaweynta ee xisbigiisa oo la xidhay iyo Ciidamo madaarka lagu xoojiyay




Hargeysa (GNA) – Afar xubnood oo ka mid ah guddida qaban qaabada soo dhaweynta Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ah, ahna guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa goor dhaweyd xabsiga Dhexe Loo Taxaabay.




Guddoomiyaha ayaa Maalinta Berri oo Arbaca ah dalka ku soo beegan, kana soo degaya Madaarka diyaaradaha sida ay Saraakiisha xisbigu Gobanimonews u xaqiijiyeen.




 Xadhiga afartan xubnood oo waxa   xaqiijiyay Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Wadani  Maxamed Xasan Dirir, ayaan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambaysa xadhigooda.




Sidoo kale waxa uu xoghayaha guud intaasi ku daray in laba gaadhi oo ay wateen xubnahaasi guddida qaban qaabada ee Soo dhaweynta Gudoomiyaha Xisbiga Wadani iyagana la qabtay, kuwaas oo yaala wakhtigan saldhiga Dhexe ee Magaaladda Hargeysa




Xadhiga xubnahan ayaa ku soo beegmaya  maalin uun ka dib markii Uu Wasiirka Duulista Somaliland Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ka horjoogsaday Masuuliyiin uu ugu sareeyo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID Oo Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa kaga hor tagay Guddoomiyaha Xisbigaas oo dalka dib ugu soo laabanayay.




Dhinaca kale warbaahinta ayaa sheegaysa in ciidamo dheeraad ah la geeyay caawa Madaarka si ay berri u sugaan amaanka madaarka oo hadii taageerayaasha xisbiga Waddani loo diido abuuri karta cawaaqib la mid ah tii shalay ka dhacday Guddoomiyaha Ucid.




Cirro ayaa intii uu dibada ku maqnaa jawaab adag ka bixiyay hadalo iyo talaabooyin siyaasiyan caqabad iyo eedeyn ku ah oo uga yimi ashkhaas taageersan xukuumadda iyo labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha uu madaxda ka yahay.




Laakiinse hadii ay Hay’ada xukuumaddu cadaadis saaraan, isla markaana loola dhaqmo sida Mucaaridka loogu cadaadiyo goobahan oo kale, waxay taasi dhaawacaysaa xasaanadiisa Madaxtinimo ee Guddoonka Wakiillada, maxaa yeelay waxa uu madax ka yahay mid ka mid ah saddexda hay’adood ee dalka ugu sareeya.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com