Monday, November 4, 2013

Wasiir u dawlaha Madaxtooyada Somaliland kormeeray Dayactirka Jidka isku Xidha Hargeysa iyo Berbera


Hargeysa(GNA)-Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Maxamed Muuse Abees ayaa waxa uu kormeer shaqo oo ka war hayn iyo indho indhayn ah ku soo maray meelaha ay ka socoto dayactirka waddada berbera iyo Hargeysa u dhaxaysa iyo weliba meelaha daaddadku waxyeelada u geysteen.




Maxamed Muuse Abees ayaa Kormeerkaasi sameeyay gelinkii dambe ee Maanta, waxaana ku wehelinayay masuuliyiin kala duwan oo ka socday Hay’adda Wadooyinka Somaliland iyo Engineeradii ku hawlahaana waddada.




Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa bishii hore dhagax dhigay dib u dhiska lagu samaynayo jidkan oo muhiimad weyn u leh isu socodka Goboladda Bariga iyo Galbeedka somaliland, ahna mid hawl-bowle u ah Ilaha dhaqaale ee waddanka.




Kormeerkan Wasiir u dawlaha ayaa ujeedkiisu sidii loo dardar gelin lahaa dhismayaasha wadooyinka ee ka socda dalka, gaar ahaan tan uu maanta wasiiru dawluhu booqasahda ku tegay isaga oo indhaha soo saaray halka ay hawluhu marayaan iyo siday wax u socdaan.




Sida ay sheegeen Wariyeyaasha Kormeeekaasi ku wehelinayay Wasiirku waxa uu isdul-taagay dayactir xoogan oo lagu sameeyay meelaha ay dhaawaca iyo burburka ku lahayd waddadaasi, khaasatan deegaanka Lafa-ruug iyo meelo kale oo ka mid ah deegaamada ay ka gudubto waddadani.




Wasiir Abees ayaa Khubarada la socday jidkaasi dhisaya ku booriyay in sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiro wadadan, iyadoo intii kormeerkani socday wasiir u dawle Maxamed Muuse Abees uu sidoo kale soo arkay meelo badan oo wali jidku ka bur-bursanyahay, hadaan dhakhso waxa looga qabana waxyeelo keeni kara.  




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com