Tuesday, November 26, 2013

ILMADA OO DISHA BAKTEERIYADA INDHAHA


(GNA) Baadhitaan cilmiyeed oo lagu faafiyay shabakadaha ka faalooda science ayaa xaqiijinaysa in ilmada dadka uu ku jiro borotiin difaaca ah oo lagu magacaabo Lysozyne kaasi oo dila bakteeriyada wax yeelaysa indhaha.




Baarayaasha sameeyay daraasada waxa ay gacan ka heleen porfasooro ka tirsan jaamacada California waxayna daboolka ka qaadeen in borotiinka Lysozyne ee ilinta ku jira uu hareereeyo bakteeriyada saacado gudahoodna uga taqaluso.




 




Parfasoor Philip Colin oo madax u ah kooxda baadhayaasha waxa uu faahfaahin ka bixiyay dagaalka xooga leh ee u dhaxeeya bakteeriyada iyo borotiinka, waxa uuna intaa ku daray in rajo laga qabo in borotiinka lysozyne uu awood u yeelan doono la dagaalanka unugyada kansarka 




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com