Wednesday, November 27, 2013

Cali Daacuun: Madaxweynuhu wuxuu lumiyey Dhexdhexaadnimadii iyo ku dhaqanka Dastuurka”


Ku dhaqanka Dastuurka waa astaan, la oran karo madaxda dowladdu waxay rabaan qarannimo, sida hadda muuqata Madaxweynaha, iyo rag kamid ah golaha Wasiirada ma rabaan qarannimo, maxaa yeelay, way ka horyimaadeen qodobadii ku qorraa dastuurka, waxayna adeegsadeen KELI TALISNIMO iyo (Fowdo).




Soomaaliya waxay ku jirtaa Marxalad QABAA’IL waxaana wax lagu qaybsaday 4.5 oo aan rumeysnahay in aan meel lagu gaarayn qolo-qolo, sidaa ay tahay halkii ay madaxdu dhibta ka saari lahaayeen umadda waxay doorbideen MUSUQMAASUQ, amar ku taaglayn iyo waax aan dani ku jirin dal iyo dadba.




Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiiradiisu way fashilmeen intaanay (Labo Sano gaarin) waxaana fashiliyay sida hoos qoran:




Madax adayg.




Dhaqaale aruursi.




Khibrad la’aan




iyo Iyagoo aaminay Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaraha, waxaa fudud Ra’iisulwasaaraha in uu iska tago. Waa arrin la yaab leh oo meel ay dastuurka kaga qoran tahay ma jirto, waana riyo aad u xun kolka la ixtiraamayo dastuurka iyo qarannimada.




Waxaad ka garanaysaa hab-dhaqanka madaxweynuhu kula dhaqmay wasiirka koowaad oo ku yimi hab dastuuri ah, waxaa kalsoonida siiyay in ka badan intii dooratay Madaxweynaha inuu yiraahdo istaqaalad keen, waxaan ku tilmaami karaa sida kor ku xusan hab-dhaqan xun oo ka baxsan dowladnimada.




 




Ujeedada maqaalkani waxaa weeye in aan xusuusiyo madaxweynaha iyo wasiiradiisa tirada yar xaggee bay ku danbeeyeen madaxdii madaxa adkayd ee ay kamid ahaayeen:




Maxamed Mursi, oo ahaa Madaxweyne ay soo doorteen shacbiga reer masar.




Cali Cabdalla Saalix




Seynul-Caabidiin




Qadaafi




Saddaam Xuseen




Waa wax dhintay iyo kuwo aan waxba la nooleyn, miyaaney mudnayn in madaxweynuhu garto in aan la aqbali karayn KELI TALIYENIMO, mise waxaad rabtaa in xabaashii siyaasadda aad dib ugu celiso Soomaaliya.




 




Cali Maxamed Axmed (Cali Daacuun)




Muqdisho/Somalia