Fadlan Email ama toos noogu soo gudbiya Tacsiyaha cidii diraysaa:
	Duuliye Sare Asli Calansida:
	INNAA LILLAAHI WA' INNAA ILAYHI RAAJICUUN
	Marxuum Danjire Axmed Maxamed Aadan (Qaybe)
	Anigoo ku hadlaya magaca reer Xasan Cabaade, iyo ka reer Cabdulwahaab Maxamed Xuseen, ayaa waxaannu halkan uga soo wada direynaa (Tacsi-Tiiraanya) leh dhammaan Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Danjire Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), oo ku geeriyooday shalay magaalada "Hargeysa" oo ay Taariikhduna ahayd (Nov. 26, 2013).
	 Marxuumka Illaahay Iilka ha u Nuuro, intii uu ka baxay iyo umadda Somaliyeed-na samir iyo Iimaan haka siiyo.
	Aamin………….. Amin ……amin
	Maareeyaha Xafiiska Xidhiidhka WFP Somaliland.
	anigoo ah Maareeyaha Xafiiska WFP ee Somaliland Yusuf Cismaan Garas waxaan dhamaan umadda Somaliland ka tacsiyadeynayaa Geerida ku timi Alle ha naxariistee Marxuum Axmed Aadan Qaybe oo xalay ku geeriyooday Hargeysa.
	waxaan Marxuumka ilaahay uga baryayaa inuu Naxariistii Jano ka waraabiyo, dhamaan qoyska qaraamada iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo Iimaan ka siiyo.
	Aamin Aamin..
	Wakiilka Somaliland ee USA
	 
	Tacsi - Geerida Axmed Maxamed Aadan (Qaybe)
	 
	Aniga oo ku hadlaaya Magacayga Rashid Garuf, ka xaaskayga Sakin Ali Mire iyo dhamaan magaca reer Cabsiiye iyo magaca reer Ali Mire:
	Waxa aanu halkan tacsi uga dirayaa dhamaan  Ehelkii,Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay 
	joogaan gude iyo dibadba; ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo ku geeriyooday maanta Hargeysa.
	Marxuum Axmed Maxamed Aadan waxa aanu illaahay uga baryaynaa inuu naxariistiisii Janno ka waraabiyo; Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii,
	iyo dhamaan shicibka Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. Aamiin.
	Rashid Garuf
	Wakiilka Somaliland ee USA
	Washington DC
	Wasiirka Caafimaadka
	Waxaan Umadda Reer Somaliland  ka tacsiyadaynayaa Geerida ku timi Marxuum Siyaasi Axmed Aadan qaybe oo ahaa Siyaasi ruug-cadaadi ah oo in badan ku soo jiray Siyaasadda.
	Axmed Aadan Qaybe wuxuu ahaa nin magac weyn iyo Miisaan inagu lahaa, waxaan ilaahay uga baryayaa inuu Janatul fardowsa ka waraabiyo dhamaanteena samir iyo Iimaan inaga siiyo.
	Wasiirka Caafimadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed.
	 
	Wasiirka Duulista Somaliland
	 War: Saxaafadeed.                                                                                  26/11/2013
	 
	“Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ku hadlaya magaciisa iyo Magaca Wasaaradaasi ayaa waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u diray Ehelkii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum, Axmed Maxamed Aadan (Qaybe), oo saaka ku geeriyooday Hargeysa.
	Wasiirka ayaa Muxuum Qaybe oo ahaa Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland, ku tilmaamay oday qaranka ka baxay, oo door lixaad leh ka qaatay dhidibo u taagistii Dawladnimada qaranka JSL.  
	Wasiir ayaa waxa uu EEBBE uga bariyey  Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ehelkiisii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.”
	“ IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN”
	 
	Xafiiska Warfaafinta ee
	Wasaaradda Duulista iyo Hawadda Somaliland.
	Hargeysa/Somaliland  
	 
	Xisbiga kulmiye:
	                                                                                                 
	                                                                                                                   Date: 26/11/2013  
	KU: SAXAAFADA
	Ujeedo: TACSI 
	Ku simaha gudoomiyaha xisbiga kulmiye, ahna gudoomiye k/xigeenka 1aad ee xisbiga kulmiye Md, maxamed kaahin Axmed , isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hogaanka xibiga , ka gudida fulinta , ka golaha dhexe iyo ka dhamaan taageerayaasha iyo xubnaha xisbiga kulmiye wuxuu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka jamhuuriyada Somaliland isagoo ka tacsiyaynaya geerida ku timi marxuum Axmed Maxamed Aaadan (Qaybe) oo ahaa gudoomiyihii hore ee golaha wakiilada Somaliland, wuxuu marxuumka alle uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo, dhamaanteena samir iyo iiman inaga siiyo.
	 
	AllA MAHADLE
	GUDOOMIYE KU XIGEENKA 1AAD EE XISBIGA KULMIYE
	Md, Maxamed Kaahin Axmed
	TACSI Madaxweyne Siilaanyo
	IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
	Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golahayaasha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, AXMED MAXAMED AADAN (QAYBE), oo ku geeriyooday saaka Hargeysa.
	Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo inaga baxay magac iyo taariikhna ku dhex leh bulshada Somaliland iyo qarankaba, laguna xasuusan doono doorkii uu ka soo qaatay dib u dhiska dalka, isaga oo marxuumku xilkii ugu danbeeyey ee uu qaranka ka soo qabtayna uu ahaa Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland wakhti dheerna ka mid ahaa tiirarka qarankani ku daydo ee halbawlaha u ah.
	Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golayaasha qaranka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
	IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
	Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
	 Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.