Thursday, November 28, 2013

Boorama: Maareynta Qashinka Magaalada wadhan oo laga shiray


Borama(GNA) Shirkada Nadaafada ee HORSEED ee magaalada Boorama ayaa maanta kulmisay, Madaxda D/Hoose ee Boorama, Odayaasha Dhaqanka, Milkiilayaasha Hoteelada Cuntada ee gudaha Boorama, Haween, waxgarada iyo bahda caafimaadka, waxana ujeedada kulankani ay ahayd sidii la isaga kaashan lahaa Maaraynta Qashinka iyo Dhawrida nadaafda si loo hiigsado himilada ah Magaalada Boorama oo bilicsan.




Ugu horayntii ayaa waxa kulankan ka hadlay Gudoomiyaha Shirkada Nadaafada ee HORSEED ee magaalada Boorama Md. Idiris Faarax waxana uu ka waramay waxa ay shirkadu u jirto waxana uu yidhi “Shirkada Horseed waa shirk ad gaar ah oo la wareegtay maamulka iyo maaaraynta qashinka ee magaalada isla markaana u taagan inay nadaafada iyo fayadhawrka guud ee bulshada mudnaanta siiso, Shirkadan Horseed waxa ay soo shaqaynaysay mudo ku siman 5 sano, waxana ay maamuladii kala dambeeyay ee D/Hoose kala shaqaynaysay sidii qashinka loo basrin labaa, waxa ay ahayd labo sano kahor markii loo balansanaa in Nadaafada Boorama maamulkeeda lagu wareejiyo Shirkada Horseed, waxana ay arintaasi suura gashay dhawaan, sidaas aawadeed waan ognahay in xilka aan qaadnay uu yahay mid aad u balaadhan, waxana aan ka marag kacaynaa in duruufo badan oo adag ay naga horeeyaan, waxana taasi u daliil ah in gaadiidkii iyo agabkii nadaafada ee lanagu wareejiyay uu yahay mid aad u liita oo aan wada kaafin karin gudashada waajibka nadaafadeed ee na horyaala ee ay Magaalada Boorama u baahan yahay, anaga oo taasi og, waxa aan u balan qaadaynaa dadwaynaha reer Boorama in Shirkada Horseed ay wax badan ka qaban doonto bilicda iyo ilaalinta nadaafada ee Gobolka Awdal”




 




Gudoomiye Faarax isaga oo dadwaynaha reer Boorama la hadlaya waxa uu yidhi “Waxa aan dadwaynaha ka codsanaynaa inay gacan nagu siiyaan oo ay wax nagala qabtaan bilicda magaalada sidii aan u soo saari lahayn, waa hubaal in guri walba uu lacag ku bixiyo maalin kasta qashinka sidii uu isaga fogayn lahaa, iyada oo ay hubaal tahay in bulaacadaha, biyaha qasaqda ah, qashinka iyo waxyaabaha ay qaadayaan dadka ajinabiga ah ay dhigaan meel aan ka fogayn oo caafimaadka wax u dhimaya, sidaas aawadeed waxa aan rabnaa in taasi ay meesha ka baxdo oo aan bulshadeena oo isku duuban aan hiigsano deegaan nadaafadiisu haboon tahay, masuuliyadaasna wax qaadidoonta shirkada Horseed, waxana ay mar kale ka codsanaysaa Culimada iyo Odayaasha iyo xilsidayaasha bulshada inay taasi nagu garab galaan oo ay wacyigalin ka sameeyaan sidii guri walba loogu soo xidhi lahaa shirkada Horseed isla markaana uu qashinka maanta aan maarayntiisa la kadeedanahay uu u noqon lahaa mid abtirsiin leh oo lagala xisaabtamo shirkada Horseed”




 




Md. Siyaad Cumar Cali oo ka mid ah masuuliyiinta shirkada Horseed oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in aan la iska indhotiri karin baahida looqabo nadaafada waxana uu yidhi “Qashinka waa masiibo qof kasta hoosta kaga jirta, waana lama huraan in loobaahan yahay in maraareeyo, Shirkada Horseed waxa ay u istaagtay inay u guntato sidii bulshada looga badbaadin lahaa qashinka, iyada oo taasi la dareensan yahay ayay Shirkada Horseed kala wareegtay D/Hoose ee Boorama masuuliyadii ilaalinta nadaafada ee Boorama iyada oo la wareegtay Gaadiid aan badnayn iyo 48 shaqaale ah oo qashinka ka shaqeeeya, waxana aan Eebe ka baryayaa inuu shaqadaas nagu asturo, waxa aan Bulshada ka codsanaynaa inaan iskaashano oo aan meesha ka saarno masuuliyadii cidlada ku dhacaysay ee Qashinka iyo Maarayntiisa, waxa aan ku dadaali doonaa inaan bulshada barno sida qashinka la isaga basriyo anaga oo is kaashanayna, waxa aan ku dadaali doonaa inaan soo bandhigno xeerar iyo nidaam u adeegaya danta guud, dulucdooduna tahay in qashinka aan meel ku hubsano, hiigsanana halhayskii ahaa -Indhihii Basaasoow Boorama Ma Aragteen- waxana Hubaal ah in hiigsiga himiladaasi aanay ku imanayn oo kaliya in qashinka lagu haleeyo shirkada Horseed oo kaliya, waxase ay ku iman kartaa iyada oo la is kaashanayo, qaybaha kala duwan ee xilsidayaasha bulshada ah ee aan maanta soo martiqaadnayna waxaan ka codsanaynaa inay bulshada nala wacyigaliyaan oo ay u sheegaan muhiimada ay leedahay nadaafadu iyo inay mudnaanta siiyaan shirkada Wadaniga ah ee Nadaafada ee Horseed ee magaalada Boorama, halkii ay markii hore qashinka iyo lacagtaba uga dhiibi jireen dad ajinabi ah oo ay cadahay inaanay bulshada iyo nadaafada guud u damqanayn.




 




 



Md. Nuur Aadan Shirdoon oo isaguna ka mid ah masuuliyiinta shirkada Horseed ee magaalada Boorama ayaa tilmaamay in masuuliyada maaraynta qashinku ay tahay mid loo baahan yahay in lawada dareemo waxana uu yidhi “Dawlada waxqaban mayso anaguna waxba la qaban mayno hadii aan la iman wayno is xilqaan in iskaasi, sidaasi waa sida kaliya ee qashinka aan u maarayn karno isla markaana aan u gudan karno waajibneena ku aadan hiigsiga bulshadeena oo cudurka aan ka fogayno, bilcda magaaladeenana aan kor u qaadno”




 




Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Sul. Nuur Dheere, Sul. Ibraahim Cabdi Riiraash, Sul. Xasan Xadi Baade, iyo Waxgarad kale oo kulankan ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin inay maqalaan shirkad gaar ah oo Boorama ka hawlgasha oo qashinka sidii looga fogayn lahaa bulshada masuuliyad iska saaraysa, waxana ay ka marag kaceen in shaqada ay bulshada u qabtaan shariikadaha gaar ah ee ay ku soo biirtay shirkadan Horseed ay tahay mid la isku halayn karo, sidaas aawadeed ayay ugu baaqeen gabi ahaanba qaybaha kala duwan ee bulshada inay xidhiidh sokeeye la yeeshaan shirkada Horseed ee Nadaafada Boorama ka hawlgalaysa, waxana ay balan qaadeen inay wadashaqayn balaadhan layeelan doonaan.




 




Dhianac kale Haween iyo hooyooyin lagu soo martiqaaday kulankan ayaa ka hadlay madashan, waxana ay sheegeen inay soo dhawaynayaan Shirkada Horseed, isla markaana ay si wayn u mahadinayaan shaqadeeda, halkii ay markii hore xidhiidh kala lahaayeen dad ajinabi ah oo ay dantu baday. Sidoo kale hooyooyinkan ayaa waxa ay ugu baaqeen dhamaan hooyo walba oo reer Boorama ah in la gaadhay waqtigii ay arki lahaayeen qashinka oo si fudud loo basriyay, Booramana laga dhigay meel bilicsan, si taas loo hiigsadona waxa ay ugu baaqeen haweenka oo ah lafdhabarta bulshada iyo kuwa uu qashinku dhibta badan ku hayo inay shilinkooda ku bixiyaan meel la hubo, isla markaana ay shirkada Horseed xidhiidhkeeda soo dhaweeyaan.




 




Sidkoo kale Madaxda Hoteelada sharaabka iyo cuntada ee magaalada Boorama oo iyaguna ka hadlay halkaasi ayaa soo dhaweeyay shirkada Horseed ee Nadaafada Boorama, waxana ay balan qaadeen inay la shaqayn doonaan, ujeedada ugu muhiimsan ee ay leeyihiina ay tahay in ay helaan degaan nadaafadiise wanaagsan tahay oo ay ku ganacsadaan, maantana ay kalsooni ka qabaan in shirkada Horseed ay taasi hiigsan doonto.




 




Maayarka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi oo kulankan ka hadlay ayaa isaguna sheegay in qashinku uu tahay midka ay bulshadu ugu neceb tahay, maanta waxa ka dambeeyayna ay masuuliyadiisii D/Hoose kala wareegeen Madaxda iyo shaqaalaha Shirkada Horseed ee Nadaafada Boorama, Maayar Saleebaan waxa uu bulshada u sheegay in qashinka maarayntiisa maanta xal loo helay waxana uu yidhi “Waxa aan ku kalsoonahay in Shirkada Horseed ay gudan doonto waajibkeeda ku aadan maaraynta qashinka iyo muujinta bilicda, sidaas aawadeed, hadii awal la odhan jiray D/Hoose qashinkii maarayntiisa way ku guul daraysatay, waxa aan maanta waxa ka dambeeya u joogi doonaa inay dhibtu tahay dhinaca bulshada iyo inay tahay dhinaca cida iska leh masuuliyada”




 




Maayar Saleebaan waxa kale oo uu dadwaynaha u damaanad qaaday in qiimaha qashinka lagu qaadi doono ay jaangoyntiisa yeelan doonto D/Hoose halka ay Shirkada Horseed ka yeelan doonto gudashada waajibka ah ilaalinta nadaafada, dadkana looga baahan yahay inay shuruucda ku dhaqmaan, una hogaansamaan qorshaha loo dajiyay qashinka maarayntiisa iyada oo lagala xidhiidhayo shirkada Horseed, ugu dambayntiina waxa uu maayar Saleebaan ka codsaday bulshada inay la shaqeeyaan Shirkada Horseed, isla markaana ay qashinka iska fogeeyaan, ogsoonaadaana in muujinta bilicda magaaladu ay ku xidhan tahay kolba sida ay dadwaynaha reer Boorama ula shaqeeyaan Shirkada Horseed ee Nadaafada Boorama,.




DSC03907 DSC03910 DSC03911 DSC03912 DSC03914 DSC03915 DSC03928 DSC03930 DSC03932 DSC03933 DSC03934 DSC03937 DSC03938 DSC03939 DSC03942 DSC03947 DSC03948 DSC03949 DSC03951 DSC03963 DSC03966 DSC03967 DSC03968 DSC03969 DSC03970 DSC03972 DSC03975 DSC03978 DSC03979 DSC03990 DSC03991 DSC03995 DSC03996 DSC04000 DSC04006 DSC04009 DSC04011




Wariye Mustafe Caraale




Gobanimo news.com




Borama office