Thursday, November 28, 2013

Burco: Saylici oo Mashriic la dhisay furay kuwo cusubna la dhagax dhigay


Burco(GNA)-Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raraxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Xadhiga ka jaray kawaan xoolaha lagu gawraco oo casri ah  oo laga Hirgaliyay magaalada Burco,kaas oo ay maalgalisay hay’ada FAO.




Madaxwayne ku xigeenka Somaliland  iyo waftiga  uu hogaaminayay oo xalay soo gaadhay magaalada Burco ayaa waxaa ka mid ahaa,Wasiirka wasaarada Xanaanada Xoolaha Cabdi aw Daahir Cali,Wasiirka wasaarada Beeraha Faarax  geedoole,Wasiir u dawlaha waxbarashada Axmed Nuur Faahiye iyo Xubno kale.




Munaasibad Xadhi ka jarista kawaanka Xoolaha lagu gawraco oo lagu qabtay Gudaha kawaanka ayaa waxa iayaguna sidoo kale kasoo qaybgalay Maamulka Gobolka Togdheer ka degmada iyo waxgarad tiro badan.waxaana ugu horayn ka hadlay Madaxway6ne ku xigeenka Jsl Mudane C/raxmaan C/laahi ismaaciil.




Waxaanu ka waramay waxtarka uu u u leeyahay Bulshada reer Burco kawaankani ''Mashruucani waa mashruuc qaaliya oo ay maalgalintiisa ina siisay Dawlada Ingiriiska oo ay Fulisay Hay,ada FAO oo aqoon gaar ah u leh kawaanada iyo xanaanaynta xoolaha,waxa laga shaqaynayaana waa dantiinii umada halkan joogta iyo inta kale ee somalilandba,waxa mara walba lagu dedaalayaa waa caafimaadkooda iyo nolasha aasaasigooda,waad ogaydeen hilibkeena sariibadaheena daryeel la,aan baa ina haysay oo way dayacnaayeen oo inaga iyo eyday inaga daxaysay maantana inaga dhaxayn mayso maanta,waxaa loo socdaa sidii cunto nadiif ah loo heli lahaa.
Hadii ay dawladu si walba u dedaasho dadka gobolada joogaa dadka xaga xun nolosha ka yaqaan ay bataan dhib ku noqonaysaa dawlada ee Dawladu waxay qabanayso yaan laga hor imanin.waxaan leeyahay oo idinkula derdaarmayaa reer burcow kawaankaas ilaashada”ayuu yidhi.
Waxaa isna halkaas ka hadlay Wasiirka Xanaanada xoolaha Cabdi aw daahir Cali,waxaanu sheegay,inay caafimaadka kawaankan  iyo xoolahaba ay sare u qaadi doonaan iyadoo uu aad ugu mahadnaqay dawlada hoose ee magaalada Burco oo dhulka kawaanka bixisay isla markaan maamuli doonto iyadu wixii hada ka danbeeya.
Waiirka wasaarada Beeraha,wasiiru dawlaha Wasaarada waxbarashada,Badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Maayarka Mgaalada Burco ayaa iyana halkaas ka hadlay,waxaanay aad ugu dheeraadeen faa'iidada uu kawaankani leeyahay.waxaanay sheegeen inuu wax wayn ka tari doono caafimaadka dadka iyo inay dadwaynhu helaan hilib nadiif ah.
sidoo kale Madaxwayne kuxigeenku waxa uu dhagax dhigay sariibada Gaaha ee xaafada hodan qaylo.




Madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigiisa  ayaa sidooo kale Booqday Seeraha aroori oo loogu talo galay in xoolaha lagu xanaaneeyo Xiliyada Abaaraha.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com