Thursday, November 28, 2013

Aasaasihii Khaatumo: G6 Xoogbay ku qabsadeen Dhulbahante” Daawo


"SNM iyo Ninka Dhulbahante ee  Laascaanood ku hayaa waa isku mid ee waan Xabad Wajiga lagaga dhuftaa”Hoos ka Daawo Waraysi Xaasaasiya, Eng Xuseen Axmed Cali




London(GNA)-Eng Xuseen Axmed Cali , wuxuu ka mid ahaa sida uu sheegay afartii xubnood ee Hindisey Qorshihii Maamulka Khaatumo ee dheel-dheeliyayaa ku abuurmay, waxaanu sheegay inuu ka xunyahay halkuu ku dambeeyay.




Siyaasigan oo ku nool dalka maraykan ayaa waraysi uu bixiyay ku sheegay in taladii Beelaha Sool, sanaag iyo Cayn ciyaarayso oo aanay saldhig lahayn.




Waxa uu walaac ka muujiyay dhaqdhaqaaqyada ka socda Deegaamada gobolka Sool iyo Jahawareerka ku dhacday siyaasada deegaamadaasi, isagoo dhaliilay shir weynaha loogu magac daray Khaatumo ee laga qaban qaabinayo Taleex.




“inta Taleex ku shiraysaan Caynaba ku duula oo qabsada.




Waxaan ku talin lahaa shirkaa dib haloo dhigo oo hala sugo dhamaadka shirka Sarmaanyo”ayuu hadalkiisa ku daray.




Markii aanu khaatumo samaynay waxaanu doonaynay in Taleex lagu shiro, Laascaanood la xoreeyo dabadeed wixii kale ee la qabanayo la qabto, laakiinse sheekadii waa la duway oo waxaan loo jooginbaa la qabtay”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Halkan ka Daawo waraysi dheer oo xaasaasiya: