Saturday, November 30, 2013

Ururka CYO oo Xaflad Dhiiri gelin ah u sameeyay Arday Jaamacaddo ka Aflaxay Sanadka


Hargeysa(GNA)-Ururka horumarinta dhalinyarada ee Curad Youth Organization (CYO), ayaa xaflad dhiiri gelin ah u sameeyay koox ka mid ah Ardaydii sanadka ka qalin jabisay Jaamacadaha Hargeysa.




Xaflad balaadhan oo lagu qabtay Hudheelka Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa, taasoo loo sameeyay in ku dhow labaatan Arday oo Reer Hargeysa ah oo ka baxay Jaamacaddaha waddankana, kana mid ah dhalinyarada ururkaasi ku bahoobay, waxa ka soo qayb galay Siyaasiyiin, Madaxdhaqameedyo, aqoonyahano, Ganacsato , culimo awdiin  iyo Marti sharaf kale.




Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Curad Yoonis Maxamed Yoonis oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada kulankani tahay in Ururku dhiiri geliyo Ardayda jaamacadaha ka qalin jabisay sanadka, si dedaalkii ay soo galeen loogu booriyo.




Waxa kale oo uu sheegay in Ururkani ka shaqeeyo horumarinta Da’yarta dalka, haday tahay kuwa wax barta iyo haday tahay kuwa xoogsada, isagoo intaasi raaciyay in xafladani tahay tii labaad ee ururku u qabto da’yarta Jaamiciyiinta noqday.




Yoonis ayaa sheegay in Ururka CYO, ka shaqeeyo sidii shaqo abuuris iyo dhiiri gelin loogu saameyn lahaa da’yarta dalka, si looga badbaadiyo Tahriibka iyo soof daran habowga kale ee nolosha.




Guddoomiyaha Ururka CYO Yacquub Cabdilaahi Cumar  oo isaguna xafladaasi ka hadlay, ayaa sheegay in tan iyo markii Ururkan la aasaasay ay qaadeen talaabooyinka dhanka horumarka ah “Ururkani intii uu jiray wax badanbaanu qabanay, waxaanan ku dedaali doonaa sidii aanu u sii wadi lahayn dedaalkayaga si aanu u gaadhno Himilada ururka oo ah inuu si buuxda gacan u siiyo dhalinyarada dalka”ayuu yidhi Yacquub Cabdilaahi.




Dhanka kale Ganacsade Xasan Maxamuud Cawad, Oday Awsiciid, Aqoonyahan Cabdiraxmaan Sheikh Daahir Safiya Aw-xuseen iyo xubno kale oo xafladaasi ka hadlay ayaa ardayda munaasibadda loo qabtay ku booriyay inay sii wataan aqoontooda, isla markaana ku dedaalaan sidii ay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qaban lahaayeen.




Mobaarig oo ku hadlayay afka Dhalinyarada qalin jabisay oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka mahad naqay sida loo maamusay, waxaanu ku dheeraaday himiladooda wax qabad iyo halka ay doonayaan inay wax ka bilaabaan “waanu ku faraxsanahay xafladan balaadhan ee naloo sameeyay, waxaanu ku dedaali doonaa sidii aanu kaalin uga qaadan lahayn horumarinta dalka , siiba dhalinyarada”ayuu yidhi.




Maareeyaha Xafiiska isku duba ridka iyo Maamulka Mucaawimooyinka WFP ee somaliland Yuusuf Cismaan Garas oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dawladdu dhiiri gelinayso da’yarta wax baranaysa, isla markaana diyaar u tahay shaqo u abuurista dhalinta “Dawladda siyaasaddeeda waxa ka mid ah in da’yarta shaqo loo abuuro, markaa anigana ha ahaatee waxaan soo jeedinayaa in cidii wax idinla qaban karaysa kooxdiinan Ururka curad ku jirtaa ee Jaamacadaha ka baxay lagu gacansiiyo sidii ay shaqooyin aad u heli lahaydeen”ayuu yidhi Maareeye Garas.




Maxamed Jaamac Liibaan oo ah Isuduwaha Wasaaradda Ganacsiga ee Gobolka Maroodi-jeex oo isna xafladaasi hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday muhiimadda Cilmigu u leeyahay Bulshada iyo sida qofka uu u  dhiso akhalaaqdiisa “Qofku haduu Cilmi kasta leeyahay oo aanu Akhalaaq lahayn waxba ka jiraan cilmigiisa, markaa waxaan loo baahanyahay inaad akhalaaq yeelataan oo waalidkii wax idin soo baray u mahad celisaan, una adeecdaan  si wanaagsan”ayuu ku yidhi ardayda.




Ugu dambeyn waxa xaflada soo xidhay oo hadal dar daaran iyo duco u badan ka soo jeediyay Suldaan Axmed Daahir Muuse, oo ka mid ah Madaxdhaqameedka somaliland.




Suldaanka ayaa Ardayda xaflada loo sameeyay ku waaniyay inay ka fogaadaan saddex arrimood oo kala ah Cunista qaadka, Tahriibka iyo qabyaalada, isagoo dhinaca kale ardayda u soo jeediyay inaanay halkaa kaga hadhin Barashada Cilmiga “dalkeena saddexda dhibaato ee ugu weyn waxa weeye tahriibka, qabyaalada iyo cunista qaadka, waxaan idinku waaninayaa inaad ka dheeraataan saddexdaa arrimood”ayuu yidhi.




Suldaanka ayaa sidoo kale Ururka CYO kula dardaarmay inay sii wadaan dedaalka ay ugu jiraan isku xidhka Dhalinyarada iyo horumarintooda, waxaanu xusay in isku xidhnaanta da’yartu kor u qaadayso is dhex galka Bulshada iyo wax wada qabsiga “waxaa laydiinka baahanyahay hadaad tihiin Ururka Curad inaad isku xidhnaataan oo sidaad iminka u shaqaynaysaan aad u wadaan hawsha” ayuu kula dardaarmay ururkan.




Suldaanka ayaa sidoo kale Dawladda ugu baaqay inay dhalinyaradan shaqo abuur u samayso, isla markaana tahriibka iyo dhibaatooyinka kale ee shaqo la’aantu u geynayso laga baajiyo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com