Friday, November 29, 2013

Shiinaha oo Dhisaya Waddo isku xidhaysa Barriga Afrika


Suurto hal ma tahay inay Dekedda Berbera Xudun u noqoto isu socodka dalalka waddani isku xidhayso?




Mombasa(GNA)-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyaata, ayaa Maanta Dhagax dhigay Jid Tareen oo isku xidhaya dalalka Bariga Afrika.




Jidkan ayaa la doonayaa inuu isku xidho Kenya ilaa Koonfurta Suudaan Mustaqbalka dhow.




Dhaqaalaha ku baxaya waddadan waxa bixinaya Dawladda Shiinaha, waxaana dhisaysa shirkad laga leeyahay isla dalkaasi.




Madaxweynayaasha dalalka Bariga Afrika ayaa magaalada Mombasa kaga qeyb galay xafladda lagu dhagax dhigay Dhismaha waddada tareenkan.




Waxa la filayaa in safarradii qaadan jiray 15-ka saacadood ay qaadan doonaan muddo 4 sacadood ah marka la soo gabagabeeyo waddo tareenkan.




Wejiga koobaad mashruucaan waxa ku baxaya lacag gaadheysa 2.6 bilyan oo doolarka Maraykanka, waxaanu isku xidhi doonaan Magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa.




Waxa uu marayaa Dalalka UGANDA, Ruwanda ilaa Koonfurta Sudan, waxaana la filayaa in wadamada la doonayo inuu  saameynta ku yeesho ay ka mid yihiin Somaliya, Somaliland iyo Itoobiya.




Ujeedada laga leeyahay ayaa ah inuu isku xidho Ganacsiga dalalkaasi iyo Shiinaha.




Shiinaha ayaa doonaya inuu saameyn dhaqaale oo xoogan ku yeesho Afrika, gaar ahaan Bariga Afrika, kaasoo xuduntiisu  noqonayso dalka Kenya.




Somaliland:




Bishii October ayaa waxa somaliland yimi wefti balaadhan oo ka socda Dalka Kenya, kuwaasoo ujeedada booqasha ay ku yimaadeen dalka ay ka mid ahayd xoojinta xidhiidhka Ganacsi, isusocodka Bulsho, siyaasadeed iyo nabad-gelyo eek a dhexeeya labada Dal.




Weftigaasi ayaa ahaa kii ugu balaadhnaa ee Kenyaati ah ee Somaliland yimaada tobankii sanadood ee ugu dambeeyay, waxaana imaanshiyahooda ka dhashay isweydiimo badan.




“waxay u socdaan qorshe la doonayo in Mashruuc isku xidha Bariga Afrika oo Kenya laga soo bilaabayo dekedda Berbera loogu xidho, mashruucaasoo ah mid Ganacsi oo Shiinuhu wato, waxa mukhalas ka ah Kenya”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay siyaasi u dhuun daloola arrimaha afrika.




Aragtida Siyaasigan waxa sii xoojinaya Weftiga Kenyaatiga ahi waxay booqdeen Dekedda weyn ee Berbera oo ah bogcad istaraatijiyad ahaan muhiim u ah isku xidhka Ganacsiga iyo isu socodka Bariga iyo Koonfurta Afrika.




Sidoo kale laba todobaad ka hor wefti ka kooban Maalqabeeno Shiinaha ayaa Heshiis maalin-gelin warshado cusub ah la saxeexday Wasaarada wershadaha somaliland.




Heshiiskaasi ayaa Maal-qabeenada Shiinuhu ka xaqiijiyeen inay wershado gaadiidka yar yar iyo Baaskiiladaha soo saaraan ka samaysanayaan somaliland.




Sidoo kale waxay balanqaadeen inay mashaariic kale oo dhanka wax soo saarka ah ka hirgelinayaan Gobolka.




Ganacsatada Somaliland ayaa badankoodu ku xidhan sayladaha Ganacsiga ee waddanka Shiinaha, halkaasoo ay ka soo waaridaan baddeecado kala gedisan oo qiimahoodu ka naasilanyahay kuwa Reer Yurub.




Mobile-da gacanta, Dharka, Kabaha, Agabka Xafiisyada, Hurdada iyo inta badan qalabka Electeronic-ga  lagu iibiyo suuqyada Ganacsiga Somaliland ayaa lagu soo warshadeeyaa Shiinaha, inkasta oo meelo kala duwan ay ka soo iibsadaan Ganacsatadu.




Laakiinse ma jiro ilaa hada xidhiidh siyaasadeed oo la taaban karo oo ka dhexeeya labada Dawladdood ee Somaliland iyo China.




Dhinacyada kale ee Bariga Afrika.




Ganacsiga Shiinuhu saameyn xoogan ayuu ku leeyahay dalka Mandaqada oo dhan, waxaana ka mid ah dalalka ugu balaadhan Ethiopia, Koonfurta Sudan iyo waddamo kale.




Inkasta oo dalalkaasi siyaasad ahaan ay kaga saamayn badanyihiin Shiinaha Yurub iyo Maraykanku, hadana Ganacsiga Shiinaha ayaa ah tobankii sanadood ee ugu dambeeyay meesha ka sii saaraya wax soosaarka Reer Galbeedka iyo dalalka kale ee Aasiya.




Waxaanu ku socdaa si xawli ah.




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: editor@gobanimonews.com