Wednesday, November 27, 2013

Burco: Waddo Shileed dib u dhis lagu sameeyay






 



Burco(GNA)-Wadada Halbawlaha u ah Magaalada Burco ee kasoo gasha Magaalada Dhinaca wadada Berbera  oo aad u googo'nayd isla markaana ay dhexda ay ka Go,nayd Buundada laga soo galo Magaalada Burco ayaa markii ugu Horeeyay Dibu habayn lagu sameeyay.




wadadan oo ahayd ta ugu shilalka badan nawaaxiga Magaalada  Burco isla markaana uu shilkii ugu dabneeyay ka dhacay Xiligii uu Madaxwaynaha Somaliland booqashada ku yimi Magaalada Burco taasoo uu dhaawac  kasoo gaadhay sadex Askari oo Boolis ah kadib markii uu gaadhigii ay wateen kula dhacay Hotel Titanik agagaarkiisa.waxa laga yaabaa dib u habaynta wadaadani  inay wax ka bedesho shilal badan oo dimasho iyo dhaawacba keeni jiray oo ka dhici jiray marar badan oo ay gawaadhida yaryari xawli ku marto.




wadadan  dhismaheeda oo ay Fulisay shirkada BILAAL CONSTARUCTION CONTACTING COMPANY isla markaana ay qandaraas ku bixisay Dawlada Hoose ee Burco ayaanu  wax ka waydiinay Maareeyaha Shirkada BILAAL Saleebaan Axmed Carab.




Waxaanu yidhi''wadadan aanu hada wadnaa waxay ku jirtaa wadooyinka Ugu shilalka Badan Gobolkan,waxaanay lahayd Googo waawayn iyo waliba Buundo Go,an,waxaana shilalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay ka mid ahaa kii madaxwaynaha safarkiisii ugu danbeeyay oo ay ku dhaawacmeen sadex askari.waxaana xusuus gaar ah leh Buundada ugu muhiimsan ee laga soo galo magaalada Burco oo ilaa Xiligii Dawladii Rayaale dunsanayd  oo ku jirtay dhismahan hada aanu wadno ee wadadan,




 



waxaana wadadan hada aanu anagu qandaraaska ka qaadanay dawlada hoose ee Burco waana mashaariicdii GBLG  ayuu hadalkiissii kaga baxay.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco office