Wednesday, November 27, 2013

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-Galay Aaskii Qaran Ee Loo Sameeyey Marxuum Maxamed Aadan Qaybe, Nuxurka Khudbadiisi—Daawo Sawirada


SLT(GNA)  Inaa lilaah Wainaa ilaahi Raajicuun Ilaahay ha u naraxiistee waxa maanta Aas Qaran loogu sameeyey magaaladda Hargeysa, Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo ahaa siyaasi ruug cadaa oo taariikh ku dhex lahaa ummadda Soomaaliyeed.




Marxuum Qaybe,  ayaa maanta lagu aasay xabaalaha Qaranka ee magaaladda Hargeysa, waxaana aaskiisa ka soo qabgalay boqolaal dadweyne oo magaaladda Hargeysa  iyo gobolada kalaba  iskaga kala yimid.




 




 




 








 




 




 




 




 




Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, gudoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan, gudoomiye ku xigeenka golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, xildhibaanada labadda gole Baarlamaan, golaha wasiiradda iyo madaxda sarsare ee xisbiyada qaranka, ayaa dhamaantood ka hadlay taariikh nololeedkii iyo kaalintii uu Somaliland xornimadeeda iyo dib u dhiskeedaba ka soo qaatay illaa lixdankii , isla markaana waxay  ka markhaati kaceen inuu ahaa siyaasi khibrad iyo waayo aragnimo dheer u leh arrimaha caalamka.




Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa sheegay inuu marxuum Qaybe ka mid ahaa ragii dhidibada u aasay qaranimadda Somaliland, isla markaana ka mid ahaa ruug cadaadayadda siyaasada Somaliland.








 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




“Ilaahay Samir iyo iimaan ha inaga




siiyo Axmed Maxamed Aadan Qaybe waxa uu ahaa shaqsi taariikh dheer ku leh wadanka, waxa uu ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaanu uu dalka u Soo galay dhib badan”ayuu yidhi Madaxweyne Siillaanyo oo ka hadlayey aaska qaran ee loo sameeyey Marxuum Qaybe.




“Magac iyo mamuus wayn ayuu ku lahaa dalka waxa uu ahaa nin karaamo leh oo xishmad iyo qadarinba ummadda ku dhex leh, marxuun Axmed Maxamed Aadan Qaybe Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo umada Somaliland ilaahay Samir iyo iimaan ha kasiiyo”.




Gudoomiyaha guddida qabanqaabada Aaska Qaran ee loo samaynayey marxuum Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo ahaa wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo maalmihii u dambeeyey la socday xaaladiisa caafimaad, ayaa sheegay inuu Marxuum Qaybe taariikh badan ku leeyahay Somaliland.








 




 




 




 




 




 




Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan iyo gudoomiye ku xigeenka golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, ayaa iyaguna ka waramay taariikhdii dheeraa Marxuum Qaybe lahaa, iyagoo sheegay inuu shan iyo labaatan sanno ku jiray diblamaasiyada caalamka.




 




 




Gobanimonews.com/Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com