Tuesday, November 26, 2013

David Luiz ayaa dhaawac kaga maqnaan doona kulanka Basel Ee Champions League.


David Luiz ayaa qaba dhaawac jilibka ah mana u safri doono Switzerland kulanka ay Chelsea wajaheyso Basel ee Champions League ee Group E.




 




Daafaca reer Brazil ayaa nabar uu ka soo gaaray jilibka waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo isbuuc ah sida lagu shaaciyay website-ka Blues.




 




Weeraryahan Fernando Torres ayaa lagu soo daray 21ka ciyaaryahan ee safray ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac bowdada ah taasoo keentay inuu maqnaado seddexdii kulan ee ugu danbeysay.




 




Chelsea ayaa u baahan barbaro si ay ugu gudubto wareega xiga, waxaana guul ay gaarto ay ka dhigeysaa inay xaqiijistaan booska kaalinta koowaad ee group-ka.




 




Dhaawaca Luiz ayaa la micno ah in John Terry iyo Gary Cahill ay sii wadan doonaan howshooda daafaca ka dib kulankii ay sabtida 3-0 kaga soo badiyeen West Ham.