Tuesday, November 26, 2013

Adebayor Oo Hoos u dhac xaga lacagta ah ku iman doono Haddii Uu Tottenham Ka Tago bisha jeeniwari .


Adebayor ayaa haddii uu go’aansado inuu ka tago Tottenham bisha Janaayo waxa uu waayi doonaa 1.4 milyan ginni sida ay ku warameyso jariirada Metro ee ka soo baxda London.




 




Weeraryahanka reer Togo ayaa la filayaa inuu dalabyo helo bisha Janaayo madaama uusan boos ka heysan kooxda Tottenham.




 




Laakiin waxa la filayaa inuu sii joogo White Hart Lane xitaa haddii uusan u ciyaarin Spurs madaama uu wadar ahaan heli doono 1.4 milyan ginni lacag ah, lacagtaasoo dhaawaci doonta dhaqaale ahaan Man City iyo Tottenham.




 




Lacagtaas dheeriga ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii uu uga soo tagay Man City ee uu ugu biiray Tottenham markaasoo uu aqbalay inuu mushaharkiisa dhimo si uu ugu ciyaaro Tottenham, laakiin haddii Febraayo 2014 la gaaro waxa uu xaq u yeelanayaan 1.4 milyan ginni oo ay si wadajir ah u bixinayaan Tottenham iyo Man City.




 




Waxaa taas u sii dheer mushaharka uu ka qaadanayo Tottenham taasoo ka dhigi doona in Adebayor uu iska dhegotiro dalabka Besiktas oo qaato lacagtaas haddii aysan kooxda Turkiga u soo bandhigin lacag uu kaga kaaftoomo.