Thursday, November 28, 2013

Somaliland: in ka badan 221 Gabdhood ayaa Hargeysa lagu Kufsaday Jan ilaa September”.


Olole ka dhan ah Tacadiyada Haweenka oo soconaya 16 Maalmood ayaa lagu dhiirri geliyay in Ninka Gabadh Kufsada Dhagax lagu dillo.








 



Hargeysa(GNA)-Munaasibad lagu furay olole ka dhan xad-gudubyada Haweenka lagula kaco ayaa 25-kii bishan ka dhacday Magaalada Hargeysa, taasoo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo kaashanaysa dhawr Hay’addood Caalami iyo Maxali isugu jira.




Ololaha ayaa socon doona ilaa 10-ka bisha December ee dhamaadka sanadka 2013-kii, waxaanu ka soconayaa intaa dhamaan Goboladda dalka oo dhan, sida ay xafladaasi kaga dhawaaqeen Madaxda Wasaaradda iyo Hay’adda UNFPA oo Ololahan gacan ka geysanaysaa.




25-ka Bisha November, ayaa ah maalinta u astaysan xuska tacadiyada Haweenka lagula kaco, somaliland-na waxay ka mid tahay dalalka saxeexay Heshiiska lagu galay maalintaasi, taasaana ah sababta ay Caalamka ula wadaagtay, xili ay soo batay Kufsiga Haweenku sagaalkii bilood ee ugu dambeeyay sanadka.




 



Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada somaliland Maxamuud Axmed Garaad, ayaa furay Ololaha Maalinta dhawrista xuquuqda Haweenka “Dastuurka Somaliland wuxuu damaanad qaadayaa dhamaan  ilaalinta Xuquuqda Mawaadiniinta dalka u dhashay, sidaasi darteed wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshadu waxay bilaabaysaa 16 Maalmood la sameynayo Olole ka dhan Tacadiyada Haweenka lagula kaco”ayuu yidhi Wasiir Garaad.




“Tacadiyada Haweenka lagula kaco tusaale ahaan waxa Hargeysa ka dhacay 221 Kiis oo Kufsi ah sagaalkii bilood ee ugu horeeyay sanadka 2013-ka  laga soo bilaabo bishii Janaury ilaa September, sida ay tilmaamayso xogta Baahi koobka Cisbitaalka Hargeysa, iyadoo ay tiradaasi tahay inta la soo xidhay oo kaliya, balse aanu rumaysanahay inay tiradu intaasi ka badan tahay, oboladda dalkeena oo dhana arrintani waa mid ka jirta.




Xad-gudubyada lagula kaco haweenku waa mid ka hor imanaya qawaaniinta Somaliland iyo Shuruucda Caalamiga ah, somaliland waxay ka mid tahay waddamada aqoonsan Maalinta joojinta xad-gudubyadaasi”ayuu hadalkiisa raaciyay wasiir Garaad.




Wasiirka ayaa sidoo kale baaq uga diray munaasibadaasi shacbi weynaha Somaliland “Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadu iyadoo ka wakiil ah Madaxweynaha Somaliland, kana duulayna xilka aanu qaranka u hayno, waxaan bulshada Reer Somaliland ugu baaqaynaa in laga wada qayb-qaato Ololaha lagu joojinayo Tacadiyada haweenka lagula kaco”ayuu yidhi.




Wasiir Garaad ayaa sidoo kale sheegay in Kufsigu dalka ku soo kordhay xiligii Dawladdii Siyaad Barre ilaa dagaaladii sokeeye “Kufsigu berigii hore dalkeena kama dhici jirin, balse wuxuu ku soo kordhay wakhtigii Dawladdii Milateriga ahayd dalka ka talinaysay ilaa wakhtigii Dagaaladii Sokeeye”.




Mawliid Cismaan oo ka socday Hay’adda UNFPA ayaa sheegay in sanad kasta Saddexdii Dumar ah ee Dunida guudkeeda ku nool mid ka mid ah lagula kaco  tacadi, haday Kufsi, Jidh dil, Maskax ahaan “Xad gudubyada ka dhanka ah Haweenku waa meel ka dhac . Saddexdii Dumar ah ee Dunida ku nool mid ka mid ah ayaa mar uun lagula kacaa xad-gudub , jidheed, maskaxeed ama wax kale oo tacadi ku ah”ayuu yidhi Sarkaalka u hadlay UNPA.




Waxaanu intaasi ku daray “Lix Milyan oo Dumar ah ayaa ku nool dalalka ay wali ka dhacaan Xad-gudubyada lagula kaco Haweenku.




In ka badan Milyans Gabdho ah oo dunida ku nool, ayaa la dhibaateysan xad gudubyada ay ka mid yihiin Gudniinka Fircooniga ah iyo Guurka Khasabka ahi, taasna hadii laga hawl-galo waxaan filaynaa in wax laga qaban karo. Qaramada Midoobay waxay saxeexday baaq ka dhan ah dhibaatooyinka Haweenka loo geysto, dalalka baaqaas saxeexayna somaliland waa ka mid ah.




Sidaasi darteed UNFPA, waxa naga go’an inaanu somaliland kala sii shaqayno joojinta dhibaateynta Haweenka”.




Kufsiga ayaa ku inta badan lagula kaco dadka Jilicsan ee Haweenka ah, waana mid ku soo badanaya somaliland, sida ay sheegtay Luul oo ka mid ah Sarkaalka hogaaminaya Ololaha 16 Maalmood soconaya ee lagu joojinayo Tacadiyada “Tacadiga waxa lagula kacaa dadka jilicsan, gaar ahaan Haweenka, Gabdhaha, Kufsiguna waa mid ku soo badanaya dalkeena, sidaasi darteed waxaanu ku baaqaynaa in la joojiyo”ayay tidhi.




Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal oo ka hadlay mawduuca ku saabsan Kufsiga iyo Tacadiyada kale ee Haweenka lagula kaco, ayaa si kulul u cambaareeyay dhibaatooyinkaasi, waxaanu ku taliyay in qofkii lagu qabto dhagax lagu dilo iyo inaan Haweenka la qabo ragoodu dilin.




“Kufsiga iyo dhibaatooyinka kale dumarka lagula kacaa waa arrin ka soo horjeeda dhaqankeena iyo diinteena Suuban, markaa waxa loo baahanyahay inaan dumarka la dilin, Ninkii lagu qabto Kufsina aan Maxkamad lala sugin ee halkiisa lagu dilo”ayuu yidhi.




Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheikh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa sheegay in Tacadiga Haweenku Diiniyan Xaaraan yahay, isla markaana Diinta Islaamku xuquuq dhamaystiran Haweenka siisay, taasoo banaynaysa inay shaqaystaan, Hanti yeeshaan, isla markaana ixtiraam mudanyihiin.




“Nabi Maxamed NNKH, wuxuu Asxaabta u sheegay in Ninka ugu wanaagsani yahay ka Gabadhiisa u wanaagsan”ayuu yidhi Sheikh Khaliil.




“Ilaahay Qur’aankiisa wuxuu ku sheegay in raga Dumarkooda dilaa NAARTA gelayaan, sidaa darteed waxa loo baahanyahay in la joojiyo dhibaatooyinka Guriga iyo dibadaba loogu geysto Haweenka”ayuu yidhi Wasiir Khaliil Cabdilaahi Axmed.




Inkasta ololaha lagu dhawaaqay waajahayo Xaalad meel xaasaasiya maraysa oo  u baahan in gunteeda la gaadho wakhti ku haboon, hadana ma muuqato in wali si baaxad leh looga bilaabay Goboladda dalka oo dhan.




Kufsiga ayaa ah ka ugu daran ee xiligan wax ka qabshada u baahan.




Miyiga iyo Magaaladaba wuu ka dhacaa, laakiinse waxa ugu daran magaalooyinka waaweyn.




Muddo haatan laga joogo dhawr bilood ayaa Kufsi wadareed lagula kacay Gabadh Birro ah, xaafadda New Hargeysa, waxaana faro xumeeyay Koox dhalinyaro ah oo tiradooda lagu sheegay ilaa 10 Wiil.




Hay’addaha ka shaqeeya joojinta dhibaatooyinkan ayaa shaki ka muujiyay in qaarkood maalin geliyaan Tacadiga kufsigu ka midka yahay si ay Mashaariic ugu raadsadaan “Kufsiga waxa jira Ururo lacag ku bixiya si ay Mashaariic ugu raadsadaan, sida aanu xogo rasmiya ku helnay”sidaasi waxa yidhi xuquuqal Iinsaan Madaxbanaan oo u dooda dadka xabsiyada ku xidhan iyo kuwa dhibaatooyinka nololeed haystaan oo Gobanimonews la hadlay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com