Monday, November 25, 2013

Somaliland: Guddoomiye Cirro oo Hargeysa ku soo jeeda iyo dhaqdhaqaaqa waddani


London-(GNA)-Gudoomiye A/rahman Mohamed A/llahi “Ciro” oo beryahaba ku sugnaa Qaaradan Yurub ayaa xalay xili dambe ka soo degay Wadankan Ingriiska. Gudoomiyaha oo safaro kooban ku soo kala bixiyey wadamada Finland iyo Sweden ayaa wadankan Ingriiska kaga qayb geli doona shir ay isugu imanayaan Xubnaha Baarlamaanka ee wadamada barwaaqo sooranka (commonwealth) oo la filayo inuu maanta ka furmo hoolka shirarka ee Baarlamaanka Wadankan Ingriiska ee Westiminister.




Gudoomiye A/rahman Ciro oo martiqaad ka helay Baarlamaanka Commonwealth-ka ayaa la filayaa inuu mudo kooban  joogi doono Wadankan Ingriiska. Gudoomiyaha ayaa madaxdan uu goobtan kula kulmi doono warbixin ka siin doona xaalada S/land guud ahaan isagoo sidoo kale ka gadi doona Qadiyada gooni-isutaaga S/land.




Gudoomiye Ciro ayaa la filayaa mudada uu halkan joogo inuu la kulmi doono madax sare oo Wadankan ah iyo bulshada S/land ee ku nool Wadankan Ingriiska iyo weliba Taageerayaasha Xisbiga Waddani.




Gudoomiyaha ayaa barri oo salaasa ah ka dhoofaya madaarka caalamiga ah ee Hetrow Airport ee magaalada London isaga oo dalkii Somaliland gaar ahaan madaarka Cigaal ku beegan maalinta arbacada ah, waxaana magaalada Hargeysa laga dareemayaa qabanqaabada soo dhaweyntiisa oo Xisbiga waddani ku hawlanyahay.




Goobaha lagu Daabaco Boodhadhka iyo kuwa farshaxaniinta ah ee buufiya Boodhadhka ayaa maanta lagu arkayay qaarkood Calamo xisbigu leeyahay oo laga qurxinyo, kuwaasoo wariyeyaasha Gobanimonews oo booqday qaarkood sidoo kale ku arkayeen Sawirrada iyo muuqaalka Guddoomiyaha Xisbiga oo lagu diyaarinayo Istiikaro.




Xildhibaanada golaha wakiilada oo isugu jira Kulmiye iyo Waddani ayaa u diyaargaroobaya inay soo dhaweeyaan gudoomiyahooda si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan.




Halka dhinaca kalena xisbigiisa waddani ay ku soo dhaweyndoonaan magaalada hargeysa ee caasimadda hargeysa iyada oo la filayo in si aan hore loo arag loogu soo baxo taasina ay muujin u tahay inuu talada dalka qabandoono shanta sano ee soo socota.




Gobanimonews




London Office




Email: editor@gobanimonews.com