Tuesday, November 26, 2013

Khataraha Dahsoon Ee Tayo Xumada Mobile-ka +Tawarada + 3G & Halisaha Caafimad Ee Isbarkan.


Kobaca Teknoolajiyadda ee maalinba maalinta ka danbaysa isa soo taraysaa waxay beddeshay qaab nololeedkii mujtamac  dunida iyo isku xidhka Caalamka  taas oo samayn badan ku yeelatay horumarka  kabayasha dhaqalaha,  Tacliinta,Caafimaadka, Nabadgelyada iyo isku gudubka dunida.




ka fa?ideysiga Teknolojiyaddu  waxay noqday hirdenka ugu weyn ee dunidu maanta ku loollanto iyo iskaashiga xaga amniga taas oo siweyn laysku waydaarsado xogdoonka  xaga Sirdoonka.




Hadii aynu dhinac




Taban  ka eegno waxa aan shaki ku jirin in  horumar kasta oo laga sameeyey isgaadhsiinta Teknoolajiyadda ay  ku lamantahay  khataro  badan  oo Caafimaad iyada oo ay jiraan Hayado iyo ururo  Calamiya kuwaas oo u taagan ilaalinta  Tayada iyo is  waafajinta Isgaadhsiinta si loo xadiido wax  yeelada ka imankarta  lakiin waxaa siweyn u soo ifbaxay  dildilaaca iyo samaynta caafimaad ee laga dhaxlay isgaadhsiinta gaar ahan Telefonka gacanta  iyo aladaha suuro geliya adeegsigiisa.




Waxaynu  halkan  ku iftiiman doonaa Mobilada  dalkeena laga isticmaallo iyo halista  Cafimaad ee wehelka inoo ah iyo sidoo kale  xidhiidhka ay leeyihiin  Biraha Tawarada korkeena ka muuqda   iyo alada loo yaqaano 3G.Shirkadaha sida sharcigaa u   soo sara Mobilada markasta oo ay soo saaraan nooc  cusub (new model) waxay maraan nadaam loo dajiyey kaas oo sheegaya ama cadaynaya heerka wax yeelada  Radiationka (shucaac) Mobilkaa iyo khatarta uu uleeyahay bina?adamka waxana loo dajiyey Unit ama halbeeg aanu dhaafi Karin waxana la ogol yahay Radiationka (shucaaca) uu leeyahay inaanu dhaafi Karin 0.002Millisecond  intaa ka dib waxaa la qoraa waraaqda  Safety Certificate taas oo cadayn u ah badbaada qofka saasanu suuqa ku soo gala  waxana  laysku waafaqay  intaa waxa dheeri inay khatar ku tahay nolosha bina adamka keenan  Radioactive sobaba Xanuunada Cancelka iyo dhiig furan madaxa.




 




Somaliland Waxaa laga isticmaala mobilada lagu farsameeyo wadanka China mana jirto wax hubin caafimad oo lagu sameeyaa waxana loo soo waridaa sida alabada kale ee wadanka timaada waxaa xusid mudan Wadanka China ee  laga keeno Mobilada lagama isticmaalo halka wadamada Yurubna uu madnuuc ka yahay mana waafaqsana  Standardka ama heerka  loo ogalyahay inuu soo sarista mobilku maro taas oo macnaheedu tahay  inuu tayo ahaan aad u ugu hooseeyo heerkii loogu tala galay in la isticmaalo waxana laga  dhaxalay  dhibaatooyin caafimaad oo uu dareemo qofkasta oo la nool mobilka China ah  gaar ahaan dadka sida xad dhaafkaa u isticmaala.




 




 Markasta oo waxbadan mobilka ku hadasho  waxad  dareemi kartaa  kulayl dhegtadaa taas oo ay keenayso Signalkaa ama Hirkaa  kuwareegaya dhagtaada ee kusoo noqnoqanaya oo aan xadidnayn madama oo aynu nidhi ma waafaqsana Standardkii ama  heerkii loo dajiyey inanay Bina adamka wax yeelo ku ahayn Mobilkasta marka uu wax gudbinayo waxa soo raaca  laliye(Transmiter) laliye haas waxa uu wataa Shucaac (Radiation) waxaan loo sameeyey lingax si loga hortago liiditaanka Radiationka waxaa la ogaaday inaany mobilada China ee wadanka laga isticmaala lahayn   lingaxaa badbaada taa macnaheedu waxay tahay inay jirto khatar  badan oo ka iman karta Shucaac ama Radiationka laga qaado xanuunka halistaa ee Cancelka iyo dhiig furan madaxa Alle  haynga hayee.




 




Eng Maxamed C/laahi Yasiin waa khabiir dhanka Isgaadhsiinta kana hawl gala shirkad kuwa Telefonada ah oo ka jirta wadanka Brittan waa muwaadin u dhashay Somaliland dhawaan waxa uu wadanka ka sameeyey tijaabooyin uu ku eegayey  halista caafimaad ee mobilka China leeyahay waxa uu qaaday Sample ama muunad mobilada China ah  isaga oo isticmalaya qalabka lagu cabiro Radiation ama Shucaac waxa uu tijaabadan  ka sameeyey oo uu sitoosa lago arki karayey xarunta TV qaran somaliland ku leeyahay London. waxa uu soo bandhiga oo shashadana laga arki kerayey  markii uu saray alada lagu cabiro Radiationka  waxaa soo baxaday natiijo ah in 7 jeer ka badan yahay heerka shucaaca la ogal yahay mobilada wadanka laga isticmaalo taasi oo ku tusi karta farqiga u dhaxeeya iyo khatarta wahelka  inoo ah waxakale oo uu cadeeyey inaanu mobiladani  lahayn haba yaratee lingaxa lagu ilaliyo khatarta Radiationka.




 




Lasoco qaybta 2aad .....Tawarada  + 3G iyo sidaad u yaran lahayd khatarta Shucaac




W/Q: C/raxman Colad Cumar-jeex




Tell: 00-252-63-4177118/00-252-9-7917810.




E-mail rafiiq2@hotmail.com




Hargeis, Somaliland.