Wednesday, November 27, 2013

24-ruux oo Soomaali ah oo lagu xidhay dalka Suudan


(GNA) Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya dalka Suudaan Soomaali gaadhaysa 24-ruux oo shacab ah ayaa lagu xidhay dalkaasi, kuwaasi oo qaab sharcidaro ah doonaye inay ku galaan gudaha dalkaasi.




 




Dadkaan la xidhay oo 24-tiradooda ay gaareyso ayaa 9-kamid ah waxa ay yihiin hablo Soomaaliyeed, waxaana ay gedigooda doonayeen inay si sharcidaro ah ku galaan dalka Sudan oo dhanka badda ay ka galaan.




 




Soomaalida la xidhay ayaa waxa ay doon kasoo raaceen dalka Yemen, waxaana doontaasi ay ku xidhatay dekada Port- Sudan, halkaasi oo ciidamada ilaalada ay ka qabteen, kadibna xabsiga la dhigay.




 




Xubno kamid ah Jaaliyada Soomaalida ee dalka Suudaan, ayaa wada dadaalo lagu doonayo in dib xuriyadooda loosiiyo Soomaalidaasi dhanka badda doonaysay inay ka galaan dalka Suudaan.




 




Waa Soomaalidii ugu horeysay ee qaab tahriib ah oo dhanka badda ah ku doonaysay inay ku galaan dalka Suudaan inta lawada xasuusto.




 




Dadka Soomaaliyeed ayaa ku ildaran dalalka caalamka, waxaana ay ka buuxaan xabsiyada caalamka oo ay maxbuus ku yihiin.




Gobanimonews.com/Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com