Thursday, November 28, 2013

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliya oo loo magacaabay Bashiir Ciise


Muqdisho(GNA)-Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Somaliya ayaa Maanta Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliya si ku-meel gaadh ah ugu ansixiyay Bashiir Ciise, ka dib markii guddoomiyihii hore iscasishay bishan horaanteedii todobaadyo ka dib markii la magacaabay.




Magacaabistan ayaa soo baxday shalay, waxana la sheegay in si ku-meel gaadh ah xilkaasi loogu sii magacaabay.




Bashiir ayaa ah rug cadaadi hore  uga soo shaqeeyay nidaamyadii Maaliyada ee dowladii Kacaanka iyo ka hor.




Waxa uu  Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ahaa xilligii dowladihii KMG ee ay Madaxda ka soo noqdeen Marxuum C/llaahi Yuusuf iyo Sheekh Shariif, inkastoo uu is casilay markii ay is qabteen isaga iyo Shariif Xasan oo Wasiirka Maaliyada ka ahaa Xukuumadii Cumar  C/rashiid.




Waxyaabaha ay isku qabteen ayaa waxaa ka mid ahaa lacagihii Shiling Soomaaliga ee lagu soo daabacayay dalka Sudan, isagoo ku taliyay in aanay habooneyn in lacag la soo daabaco, isla markaana dowladda aysan heysan awood ay ku socodsiiso, ayna keeni karto sicir barar ka dhasha.




ka dib markii shalay soo baxeen warar sheegaya inuu jiro qorshe la doonayo in kulanka Golaha Wasiirada lagu ansixiyo khamiista berri,  inkastoo uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, maanta ayay Golaha wasiiraddu ansixiyeen magacaabistiisa.




Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan oo ka warbixinayay kulan dhex maray Madaxweynaha iyo Deeq bixiyeyaasha ayaa sheegay in waxyaabaha laga wada hadlay ay ka mid aheyd arrinta Bankiga Dhexe iyo in Gudoomiye KMG ah loo magacaabo.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com