Friday, November 29, 2013

Jowhar: Hal qof oo ku dhintay Qarax lala beegsaday Suuq Jaadka lagu iibiyo


Jowhar(GNA)-Ugu yaraan hal Ruux oo dumar ah, ayaa ku dhimatay, saddex kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo, qarax bambaano oo caawa fiidkii lagu weeraray Suuq lagu Iibiyo Jaadka oo ku yaala Magaalada Jowhar.




Haweenaydan Geeriyootay ayaa ka mid ahayd Haweenka Jaadka ka Ganacsada, waxaanay Cisbitaalka Magaalada ugu geeriyootay dhaawac ka soo gaadhay qaraxa, halka saddexda ruux ee kale la wariyay inay laba ka mid ahi dhalinyaro suuqaasi ka xamaasha ahaayeen.




Ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda Qaraxan iyo cid sheegatay toona, waxaana la sheegay in lagu fuliyay Bambaano gacanta laga tuuray.




Goob-joogeyaal ku sugan Magaalada ayaa  sheegay in bambaanadaasi lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowlada oo marayay wadada.




Dhawaqa Rasaas darandoori ah ayaa la maqlay wax yar kadib markii uu qaraxu dhacay, laakiinse ma cadda inay khasaare geysatay iyo in kale.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada amaanka iyo kuwa Milateriga ee halkaasi fadhigoodu yahay.




Sida ay warameen dadka Magaalada ku sugan Xaalada suuqa qaraxu ka dhacay ayaa wakhti yar ka dib caadi ku soo laabtay in kasta oo ay cabsi dadka soo foodsaartay.




Magaalada Jowhar ayaa sanadkii hore Ciidamada huwanta ah ee Somaliya iyo kuwa Amisom kala wareegeen Dagaalyahanada Al-shabaab.




Dagaalo Eheliya ayaa horaantii bishan ku dhex maray deegaamo aan ka fogayn Magaalada Maleeshiyooyin ka soo jeeda Bulshada Gobolkaasi degen.




Ilo wareedyo ka soo baxay Saraakiisha amaanka oo aan wali la xaqiijin ayaa tibaaxaya in weerarkaasi la tuhunsanyahay inay ka dambeyeen Ururka Alshabaab, balse al-shabaab wali may sheegan.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com