Thursday, November 28, 2013

Somaliland Business Fund: 2114 Codsi oo naga soo gaadhay Ganacsatada qaarbaa guulaystay”


SBF waxa maalgaliya ‘’Danish International Development Agency (DANIDA)”, ‘’UK Dept. for International Development, (DfID)’’Warsaxaafadeed




Hargeysa(GNA)-Shirkadda Maamusha horumarinta Ganacsiga Somaliland ee Somaliland Business Fund, ayaa soo saaray qoraal wargelin ah oo ay ku sharaxayaan halka ay marayso kala saarista codsadeyaashii maal-gelinta Mashriicda Ganacsi.




Mashruucan SBF waxa maalgaliya ‘’Danish International Development Agency (DANIDA)”, ‘’UK Dept. for InternationalDevelopment, (DfID)’’ iyo ‘’World Bank State and Peace-building Fund’’, waxaana lagu horumariyaa Ganacsiga iyo Dhaqaalaha dalka.




Wargelin ay soo saareen Guddida hagida hawshan, ayaa lagu sheegay in tirada codsadeyaashii Maalin-gelinta ku guulaystay Khubarada Bangiga adduunka si ay naaqishaad ugu sii sameeyaan, dadka aan ku guulaysana fariimo loo soo diri doono.




Qoraalkaasi waxa lagu yidhi:




Wargalin Muhiim ah




SBF waxa maalgaliya ‘’Danish International Development Agency (DANIDA)”, ‘’UK Dept. for International




Development, (DfID)’’ iyo ‘’World Bank State and Peace-building Fund’’.




SBF waxay ugu baaqday ganacsatada Soomaliland inay wareega 2aad soo xareeyaan codsiyo. SBF waxay qabatay codsiyo tiradoodu dhan tahay 2114 codsi. Codsiyadaa badani waxay muujinayaan heerka dhaqdhaqaaq ee ganacsi ee jira. Dhamaan codsiyadii waa la qiimeeyay kuwii ku guulaystay inay u gudbaan tartanka labaadna waxa ay maamulka SBF u direen Bangiga Aduunka si loo sii  shaandheeyo loona ansixiyo. Marka ay taasi soo dhamaatana war-saxaafadeed gaar ah ayaa la qaban doonaa.




 




Guddiga Talo-Bixinta Deeqaha, Bangiga Aduunka iyo SBF-ba waxay aad u dhiirigalinayaan inay arkaan heerka sare ee dhaqdhaqaaqa iyo niyadsamida ganacsiga Somaliland taasi oo u fiican rajada horumarka Soomaliland SBF waxay jeceshahay inay taageerto tirada ugu badan ee mashaariicda la codsaday iyadoo loo eegayo xadiga miisaaniyada la hayo. Sikastaba ha ahaatee, miisaaniyada xadidan waxay tilmaamaysaa in mashaariicda ugu waxqabad iyo waxtar badan la taageero. 7% – da ugu sareeya codsiyada ayaa loo xuli doonaa inay soo xaraystaan codsiyo dhamaystiran.




 




Codsadayaasha aan ku guulaysan, midkastaa waxuu heli doonaa fariin email ah oo loogu sheegi doono sababihii loo qaadan waayay.  Marka la eego tirade sare ee codsadayaasha ee wareega 2aad ee SBF, waxaa mudan in la sameeyo kulano gaar ah oo xog-waran. Meelaha iyo waqtiyada la qabanayo kulanadaasi waxaa lagu soo qori doonaa joornaalada iyo barta internetka ee SBF  Codsadayaasha la xushay waxaa loogu baaqi doonaa inay soo xareeyaan codsiyo  dhamaystiran, tababarna waa loo furi doonaa si looga caawiyo samaynta codsiga labaad.




www.somalilandbusinessfund.com




Tel:4850660




Email:info.sombusinessfund@gmail.com




Website: www.somalilandbusinessfund.com