Tuesday, November 26, 2013

Somalia: Xasan Sheikh iyo Saacid oo Balanqaadyadooda Kalsooni daro badhaxday


Galaydh iyo qaar ka mid ah xildhibaanadii Xasan Sheikh dayrin jiray oo hada la saftay, maxayse tahay sababtu?Akhri warbixin




Muqdisho(GNA)-Geedi socodka Khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha somaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo Raysal-wasaare Saacid oo haatan todobaadyo maraya intii uu dibada u soo baxay, ayaa sababay kala jiidashada xildhibaanada Golaha shacabka oo gacantooda lagu xidhay xalinta khilaafkaasi.




Taageerayaal badan oo xildhibaana ah oo qadka dhexe ugu ciyaari jiray raiisal wasare Cabdifaarax Shirdoon Sacid ayaa u wareegay dhanka Madaxeynaha kuwaa oo ahaa kuwa si weyn u difaacayay Mudane Saacid oo aad moodid inuu ka sii baxaya masraxa siyaasada dalka Somaliya




Xildhibaanada ayaa tan iyo markii  uu khilaafku gaadhay in lagu kala baxo Golaha sharci dejinta la kala safanaya labada masuul oo mid walba qorshe iyo qadiyad uu wato u soo bandhigayo, inkasta oo labada dhinacba Iimo kalsoonida xildhibaanada yaraynaya leeyihiin.




Raysal wasaare Saacid ayaa muuqda in marba marka ka dambeysa lagaga soo awood roonaanayo dhinaca Baarlamanka, iyadoo marka horeba xudunta khilaafku ahaa qorshe madaxweynuhu soo bandhigay oo ah inuu iscasilo.




Taas ayaa ah sababta xildhibaano badan ku keliftay inaanay aad isugu lurin difaacistiisa, balse qaarkood kula safanyihiin qaab lugna dirir lugna baqo ah, halka qaarkoodna maalmihii ugu dambeeyay dhinaca madaxtooyada u guureen.




Madaxweyne Xasan Sheikh oo inta badan lagu eedeynayo inuu lacag Laaluush xildhibaanada ah u isticmaalay Ollolaha ridista reysal-wasaarihiisa, ayaa isagana la sheegay inuu dhanka kale xildhibaanada u balanqaaday in Xukuumadda cusub ee tan saacid bedesha Wasiirradeeda wax laga siinayo, taasoo rag badan uu ku soo jiitay.




Laakiinse dadka la socda arrimahan ayaa ku doodaya in Xasan Sheikh Maxamuud hore ugu fashilmay balanqaadyada xilalka uu iminka xildhibaanada ku soo bandhigay “Xasan Sheikh Maxamuud markii la dooranayay xildhibaanada wuxuu u balanqaaday Xilal,dabadeed kuwii uu balanqad intuu ka booday ayuu dad kale xukuumadda ku darsaday.




Markaa ma qabo inuu mar kale xildhibaanada Been ku kaxaysan doono, taasi way adagtahay” sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay xeel-dheere siyaasadeed oo Magaalada Muqdisho ku sugan.




Kaasoo intaasi ku daray “ midda kale waxa jira xidlhibaano u badan xukuumaddii hore oo iyagu u samaysan Mucaarid oo ka soo horjeeda Xasan Sheikh Maxamuud, kuwaasoo miisaankooda leh, kuwo kale oo badana jiidanaya”ayuu hadalkiisa raaciyay falanqeeyahan oo dalbaday inaan magaciisa la shaacin.




 



Inkasta oo doodu halkaasi taagantahay, isla markaana dadka qaar sidan u aasayaan rejada in Madaxweyne Sheikh ka Guulaysan doono Saacid, todobaadka dambe hadii mooshinka golaha horyaala dhinaca sharci waafajinta u soo socda, hadana waxa maanta soo baxayay warar sheegaya in qaar ka mid ah xildhibaanadii madaxweynaha ay aadka u kala fogaayeen uu wareegeen dhiniciisa.




Warar laga helay ilo ku dhadhow Madaxtooyada ayaa tibaaxaya in xildhibaano taageerada Saacid miisaan ku lahaa oo laga xusi karo Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr ,Maxamed Cabdi Yuusuf iyo Xildhibaan San yare oo ka mid ahaa kuwa ay ugu kala fogaayeen xasan sheikh isu dhiibeen hada madaxtooyada.




“Anaga hada dhihi meyno Madaxweynahaa fiican lakiin waxaa naga go’an in Sacid meesha isaga baxo lana helo Raiisal wasare karti leh dalkana ka bad baadin karo damac qar iska tuurka ahee  Dowladaha Etoobiya iyo Kenya ka leyihiin Soomaliya”sidaasi ayaa laga soo xigtay mid ka mid ah xildhibaanadan oo warbaahinta la hadlay.




Si kastaba ahaatee sabtida soo socota ayaa la sugaya meesha uu ku dambeeyo Mooshinka Xukuumadda lagu ridayo iyo difaaca Saacid shirdoon.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com