Thursday, November 28, 2013

Uk: Argagixisada ayaa weeraraysa Xarumaha Reer Galbeedka ee Somaliland"


"Muwaadiniinta Ingiriiska ee ku sugan Somaliya iyo Somaliland waa inay ka baxaan”qoraal Digniin ah




London(GNA)-Qoraal lagu Baahiyay Barta Internet-ka ee Wasaaradda arrimaha Dibadda Ingiriiska ayaa lagu sheegay inay jirto xaalad amaan daro oo ay ku foogan yihiin Kooxaha Argagixisada ah dalka Somaliya, oo ay ku jirto somaliland.




Wasaaradda Khaarajiga ayaa mawaadiniinteeda uga digtay inay u safraan somaliya iyo somaliland, kuwa  hore u joogayna ku wargelisay inay ka baxaan.




Hadalkan ayaa la mid ah mid bishii June ee sanadkan ay soo saareen Maraykanka iyo Ingiriisku , kuwaasoo mawaadiniintooda uga digay Somalia u soo safraan.




 “Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranku wuxuu ku talinayaa inaan loo safrin Somaliya oo dhan oo ay ku jirto Somaliland. Muwaadiniinta Ingiriiska ah ee Somaliya ku sugani waa inay ka baxaan.” ayaa lagu yidhi qoraalkaas,




waxaanu xafiiska arrimaha dibadda ee Ingiriisku intaas raaciyay, “Waxa jirta khatar sare oo argagixiso oo ay ku jiraan kooxaha argagixisada  Somaliya oo dhan ah oo ay ku jirto Somaliland.”




Gov, ayaa intaasi ku daray “Xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranku wuxuu aaminsanyahay inay argagixisadu sii wadaan inay qorsheeyaan weeraro ka dhan ah reer galbeedka Somaliland ku sugan”ayuu lagu yidhi warka soo baxay Xafiiska arrimaha dibada ee Uk.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay somaliland iyo Somalia oo la xidhiidha digniintan cusub ee dawladda Uk ka soo saartay amaanka Mandaqada.




Somaliland ayaa bilihii la soo dhaafay sheegtay in dawladda Ingiriisku masaxday digniintii ay ka soo saareen amaanka somaliland badhtamihii sanadkan.




Dalka Ingiriiska ayaa ka mid dalalka ay mawaadiniinta badani ka joogaan somaliland, waxaana jiro tiro shaqaale British ah oo ka hawl-gala Xafiisyada hay’adaha Caalamiga ah ee dalka ka hawl-gala.




 Halkan Guji oo akhri qoraalkan oo Ingiriisi ah




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@Gobanimonews.com