Saturday, November 30, 2013

Somaliland: Mucaaridka oo Puntland ku eedeeyay Xasuuq ka dhacay Taleex


Xukuumadda oo la sheegay inay Hakisay Mucaawimo ay Puntland u qoondaysay iyo Shirar hoosaadyo ka dhacay Hargeysa"Warbixin




Hargeysa(GNA)-Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa maamulka Puntland ku eedeeyay in ay faro gelin iyo waliba xasuuq ka geysteen Degmada Taleex ee Somaliland.




Waxa uu  maamulkaasi ugu baaqay in ay ciidamadooda kala baxaan degamada Taleex oo ay dad rayid ah ku laayeen kana tirsan Somaliland.




Dhinaca kale waxa uu xukuumadda madaxweyne siilaanyo ku eedeeyey in ay Afka ka xidhatay faro gelinta iyo waliba dagaalka uu maamulka Puntland ku soo qaaday degmada taleex ee Somaliland.




Sidaasna waxa warbaahinta u sheegay Xoghayaha Guud ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md.Maxamed Cabdilaahi Uur-cade, waxaanu yidhi “Hadaanu nahay xisbiga WADDANI waxaanu maanta shirkan jaraa,id uqabanay inaanu canbaarayno weerarka joogtada ah ee qaawan ee Maamul goboleedka Puntland ku hayso shacabkayaga gaaro ahaan gobolka Sool si gaar ah degmada taleex aad iyo aad ayaanu u canbaaraynayaa, hadaanu nahay xisbiga WADDANI faro galinta mudooyinkan danbe ay ku hayso maamulka Puntland gobolada bari ee Sool gaar ahaan degmada Taleex arrinkaasi maaha mid loo dulqaadan karo in shacabka somaliland ee ku dhaqan degmada taleex in la xasuuqo maatida yar yare ee aan waxba galabsan ee maalin walba sida badheedhka ah putland ugu soo duulayso aad iyo aad ayaanu uga xunnahay ka xisbiga WADDANI ahaan waana arrin fool xun oo baalmadow ku noqon doonta hadaanay ka hadlin xukuumadda Somaliland talaabona ka qaadin.




Dhanka kale mar uu ka hadlayey Xukuumadda Somaliland ee sida badheedhka ah Afka uga qarsatay in shacabka ku nool dagmada Taleex ay difaacdo ayaa hadana waxa uu yidhi “waxa kale oo aanu arrin nuqsaani ku jirto u aragnaa in xukuumadda Somaliland ay ka gaabiso in ay shacabkeeda ku nool degmada Taleex ay ka difaacdo maamulka Puntland ee hadh iyo habeen ku garaacaya madaafiicda joogtada ah waana arrin  nasiib darro ah inaanay ilaa hadda wax go’aan ah kasoo saarin aad iyo aad ayaanu uga xunnahay in dadkeedii oo la xasuuqayo in ay daawanayso xukuumaddu waan arrin nasiib daro ah oo soo wajahday xukuumadda Kulmiye.




Sidoo kale waxa uu xukuumadda usoo jeediyey In ay ka falceliyaan faro galinta tooska ah ee ay Puntland ku hayso Somaliland waxaana uu yidhi “waxaanu usoo jeedinaynaa xukuumadda Somaliland in dadkaas ay dhibaatadu gaadhay ay talaabo ka qaado oo wixii ay u fidin karto u fidiso dadkeedaas ku tabaalaysan taleex waxaanan leenahay waa in ay xukuumadda Somaliland talaabo cad ka qadaa faro galinta tooska ah ee ay Puntland ku hayso somaliland.




Dad tiro badan oo Maleeshiyaad hubaysan u badan ayaa lagu dilay Dagaalo maalmihii u dambeeyay ka dhacayay Nawaaxiga Degmada Taleex.




Xuluumadda Somaliland ayaan ilaa hada talaabo ka qaadan arrinta oo ka dhacaysa deegaamo ay siyaasad ahaan sheegato Somaliland.




Ma cadda ilaa hada qorshaha uga degsan dagaalkan, balse Warbaahinta dalka ayaa qaarkood sheegayaan maanta in la hakiyay Mucaawimo Maamulka Somaliland ugu talo galay inay kaga qayb qaataan dhibaatooyinkii ka dhashay Duufaanihii Xeebaha Bariga.




Dhinaca kale ilo-wareedyo hoose oo Gobanimonews heshay ayaa sheegayay inay labadii maalmood ee ugu dambeeyay socdeen Kulamo xukuumaddu qayb ka tahay oo lagu waajahayo arrintaasi.




Xubno ka mid ah Masuuliyiinta Xukuumadda kaga jira deegaamada Gobolka Sool iyo Xildhibaano ayaa la sheegay inay shalayto kulamo gaar gaara iyo kuwo guudba yeesheen.




Laakiinse ma cadda ilaa hada waxa kulamadaasi ka soo baxay iyo talaabada xigi doonta ee ay qaadayaan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com