Monday, November 25, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo furay Mashruuc Malaayiin EURO ku baxayso.Dhegeyso


 Hoos ka dhegeyso Khudbadaha furitaanka Mashruucan oo Caanaha Xoolaha lagu horumarinayo.




Hargeysa(GNA)-Madaxweyneha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta furay Mashruuc lagu horumarinayo Xoolaha dalka.




Mashruucan waxa Maal-gelinaya Midowga Yurub iyo Hay’adda FAO ee Qaramada Midoobay, waxaana ku baxaya lacag ka badan 8 Milyan oo EURO, oo ay kala bixinayaan labada dhinac oo min afar Milyan bixinaya.




Munaasibad balaadhan oo mashruucan lagu furay ayaa maanta lagu qabtay Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland, wefti ka socda Hay’adaha Midowga Yurub, wasiiro ka socda Xukuumadda Ganacsato iyo marti sharaf kale.




 







Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw-daahir Cali oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in mashruucani wax badan ka tari doono tayaynta iyo ka faa’idaysiga Caanaha xoolaha, kuwaasoo dadka xoolo dhaqatada ah iyo kuwa ka ganacsada Caanahaasi  laga caawinayo nadiifinta agabka ay u isticmaalaan.




Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay hirgelinta Mashruucan, waxaanu amaan balaadhan u soo jeediyay dhinacyada ka qaybqaadanaya.




Halkan ka dhegeyso Khudbada Madaxweynaha iyo Wasiirka:-