Tuesday, November 26, 2013

Somaliland: Wefti Djabouti u safri lahaa oo u baaqday Khilaaf dhexdood ah


Hargeysa(GNA)-Wefti reer Somaliland ah oo  maanta dalka ka dhoofi , una socdaalayay dalka Jabuuti ayaa baaqday, ka dib markii ay waayeen diyaarad qaada, kana habsaameen Diyaarad ay leedahay Shirkadda Daallo Airlines oo Hargeysa Transite ku ahayd.




Weftigan  oo isugu jira wasiirro iyo Saraakiil ciidan ayaa maanta oo Salaasa ah ay ahayd inay baxaan, balse sida ay Gobanimonews ku heshay ilo-wareedyo u dhuun daloola isku khilaafay tegitaankooda, sababo la xidhiidha culayska wufuudda Ajaanibka ah ee dalka ku sugan oo xubno ka mid ah qaabilaadooda iyo sagootintooda loo xilsaaray.




Weftigan oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha dibaddu, ayaa dalka jabuuti u tegaya Maalinta Arbacadda ee soo socota arimo la xidhiidha wada shaqaynta iyo iskaashiga dhinacyada xog isdhaafsiga iyo adkeynta amaanka ah.




Warbaahinta qaarkeed sheegtay in  Baaqashada weftigan ay sababtay ka  tegista Diyaaradda Daallo Airline ee ay raaci lahaayeen,taasoo markii ay duushay xubno ka mid ah weftigu Madaarka yimaadeen. balse sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiisha Xafiiska Daallo ee Magaalada Hargeysa, weftigan ayaan qorshaha safarkoodu dhamaystirnayn, isla markaana dhexdooda isku khilaafsanaa.




Sarkaal u hadlay Shirkadda ayaa sheegay “Diyaaraddu waxay ahayd mid rakaab qaadaysay oo ka mid ah duulimaadyadayadii caadiga ahaa, wefti madaarka yimi oo ay ka duushayna ma jiraan, xataa tigidho  looma jarin oo dadka diyaarada ku qoran kamay mid ahayn weftiga la sheegayaa.




“markaa hadii ay doonayeen inay raacaan diyaarada iyagaa ka habsaamay, annaguna sabab aanu ugu joojino diyaarad duushay ma jirto”sidaasi ayuu yidhi masuul sare oo ka tirsan oo u hadlay Shirkadda Daallo.




Wufuudda somaliland ee dibadda u dhoofta ayaa inta badan ku safra Diyaaraddaha rakaabka qaada ee caadiga ah, waxaana sharciga shirkaddaha diyaaradaha kireeya ka mid ah in qofka dhoofayaa  iska diwaan-geliyo Xafiisyada wakhti ka horeeya xiliga oo duulayo, inkasta oo arrimaha deg deg ah ee gaarka ahi taasi ka duwanyihiin.




Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Arlines ayaa ka mid ah Shirkaddaha Duulimaadyada joogtada ah ka sameeya Somaliland  iyo Dalalka kale ee Geeska Afrika.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com