Sunday, November 3, 2013

Curashada Sanadka Cusub ee Islaamka iyo Caalamka Muslimka


Hargeysa(GNA)-Curashada sanadka cusub ee Islaamka ayaa looga dabaal-degayaa guud ahaanba Caalamka Islaamka, taasoo ku beegan maalinta Berri oo Isniin ah.




Sanadka ayaa ah Sanadka 1435 Taariikhda Hijiriyada oo Waafqasan 2013-ka Taariikhda Miilaadiga ah.




Taariikhda Hijiriyada ayaa ka soo bilaabantay markii ay Taariikhda Miilaadigu maraysay 571 oo ku beegan markii Nabi Maxamed NNKH u soo Hijirooday Magaalada Madiina,ka yimi Maka.




Guud ahaanba dunida islaamka ayaa Berri oo kale looga dabaal-dega si loo weyneeyo Taariikhda Islaamka.




Sanadkan ayaa Caalamka Islaamka ugu soo galay xili ay duruufo badani ka jiraan Dalalka islaamka, khaasatan dalalka Suriya, Ciraaq, Masar, Liibiya, Falastiin iyo dalal kale oo Islaam ah, kuwaasoo dagaalo sokeeye, kuwo dalal kale ay kula jiraan iyo khilaafyo siyaasadeed la dalaa dhacaya.




Sanadkan ayaa u soo galay Muslimiinta Somalida ee gudaha dalka ku dhaqan xili amaanka dalku wanaagsanyahay, isla markaana dedaalo dib u heshiisiin iyo dib u dhis isugu jiraa dalka ka socdaan.




Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhamaal Hambalyo ah oo ku saabsan munaasibadan sanadka cusub u diray shacbigiisa iyo guud ahaanba Caalamka islaamka.




Waxaanu madaxweynuhu sidaasi ku sheegay qoraal caawa ka nsoo baxay aqalka madaxtooyada,kaasoo u dhignaa sidan “Madaxweynaha JSL, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Munaasibadda Sannadka Cusub ee Islaamka 1435 (Hijiriyada) awgii oo ku beegan  Beri 04.11.2013 oo isniin  ah Hambalyo, Bogaadin iyo ducaba u dirayaa Guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaana Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaanba.




 




Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Hambalyo taasi la mid ah u dirayaa Wadamada Islaamka iyo shacbiga Muslimiinta ah ee ku nool dunida dacaladiisa kala duwan oo uu leeyahay sanad wanaagsan.




Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ILLAAHAY Kabaryayaa in uu Shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sanadkan Sanadkiisa ku gaadhsiiyo Bash-bash, Baadhaadhe iyo Barwaaqo, inta Buktana uu ka Dulqaado Xanuunka, inta Caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janatu fardawsa ka waraabiyo.




 




Ugu dambayna waxa uu Madaxweynuhu shacbiga Somaliland ugu Baaqay in ay Nabad-gelyada iyo Qaran-ninada Dalka u soo wada jeedaan oo ay indho dheeraada u yeeshaan sidii ay hore-ba ugu  soo jeedeen si aynu u gaadhno himiladeena qaranimo.




Maamulka iyo shaqaalaha Gobanimo news Agency waxay Hambalyo u dirayaan dhamaan Umadda Islaamka meel kasta oo ay joogaan, waxaanay leeyihiin ku gaadha sanadkan kiisa Nabad, bash iyo barwaaqo.




Yacquub Cabdilaahi




Gobanimonews




Hargeysa Office