Sunday, November 10, 2013

Wadooyinka Waawayn ee Magaalada Burco oo Maalintii Shanaad Xidhan


Tan iyo ayamihii ay roobabka waawayni ka da,een magalada burco ayaa waxaa robabkaasi xidheen wadooyinka wawayn ee xafadaha aktober khaastan agagaarka.




guriga indhadeero shaaracan xidhan maalintii shanaad ayaa waxaa ku soo dhacay geed wayn taas oo ay isku dayeen xafadahaasi in ay jar jaraan si ay u yareeyaan geedka balse jiridii oo u baahan in wish ama sheewal ay ka jeedo ay ku hadhay.




Mar aan isku dayay in aan xafadaha ka waraysto in ay dawlada hoose la xidhiidheen iyo in kale ayaa ii xaqiijiyay in ay arkeen balse ay iska idha tireen in ay ku soo laabtaan oo ka qaadaan wadada geedkan dhex yaala  xafadahaas ayaan qaarkood haysan biyo ay cabaan iyo wado ay booyadu u soo marto halka qaar ay ugu xidhan yihiin qasabadihii biyuhu.




Si kastaba ha ahaateen meeday dawladii hoose ee shaqadan lahayid?




Miyaanay jirin kormeer maalinkasta joogto ahi?




Miyaanay jirin gudiyo xafadaha ah oo warbixinta xafada siiya Dawlada hoose maalin kasta?




Miyaanay jirin xafiis qaabilsan cabtinka xafadaha si wax looga ogaado dhibta soo korodha




Miyaanay jirin hawul wadeeno xalada dag dagaa sida bulaacado go ama suliyo duma iyo wixii lamida




Tan iyo wakhtigii dawlada hoose xilka la wareegtay ayaa waxaa jira cabatin xoogan oo ka imanaya xafadaha ama guud ahaan magalada burco taas oo ah in aan qashinka loo samayn goobo lagu shubo ama baabuur ka qaada xafadaha waxaad arkaysaa shawaariicda waawayn oo bacda taala iyo qashinka yaala aanay indhaagu sii eegi karayn.




Hadaba dawlada hoose ee magalada burco ma waxay indhaheedu arkayaan wax aanay bulshadu arkayn




Meeye shaqalihii loogu tala galay in ay hawulahaas qabtaan




Hadaan wax yar ka tilmaamo hawlaha ay qabtaan ee ay u feedha wayn yihiin dawlada hoose ee magalada burco




Waxaa ka mida cashuur qaadista waxaad arkaysaa yaga oo jiingadaha magalada koonaheeda ka dhisan yaga oo meeraysanaya qolada cashuur qaadistu oo leh cashuurtii ayaanu guraynaa




Waxaad arkaysaa xafadaha qaar ka cabanaya dawlada hoose oo leh hadaanu bixinwayno ama ay dhawur bilood nagu gaadho cashuur in albabada la furanayo sida xafadaha qaar ku dhacday




Miyaanay xaaraan ahyn miyanay dulmi ahyn qof  maalin walba lacag laga qaadayo oo aan haysan meel ay boyadu u soo marto oo aan haysan cid qashinka ka qaada




 




Lacaga dawlada hoose ka qaado xafadaha si kasba ha u ga qaadee waa lacag aan waxba loogu qaban oo aannay waxba kaga soo noqon bulshada tamarta yar




 




Dhanka kale cabatinka ugu xoogan ayaa ah dhanka laydhka iyo tamar yarida dawlada hoose




Shawaariicda waawayn ee halbawlaha u ah magalada burco ayaad la yaabaysaa markaad soo dhex marto habeenkii baabuurka toban mitir kuu jira ma arkaysid laanbado calankii somaliland lagu xardhay oo  aad uga fog dhulka ayaa ku xidhan  oo gabi ahaanba badawka dhigay caaricii




Magalada burco ayaa ah magaalo aad uga danbaysa dhanka maamulka dawlad nimo maxaa yeelay ugu yaraan 3 shirkadood oo waawayn  oo laydhka siiya magalada ayaa ka shaqeeya guud ahaan gobalka




Hadaba aan tilmaam siiyo siyabaha ay dawlada hoose ee magalada burco  shawaariicdeeda waawayn  laydh ugu helilahayid




1,waa in ay dawlada hoose ee magalada burco sadexda shirkadood ee waawayn ee magalada laydhka siiya ay u qaybisaa wadooyinka magalada si shirkad kasta  loogula xisaabtamo inta wado ee ay laydhka siiso




Waxaad is waydiinaysaa akhristow mayeeli karaan shirkadaha laydhku hadaiiba ay dawlada hoose amarkan ku soo rog jawaabta aan isku dayo




Dawlada hoose waxaa looga baahanyahay hadiiba ay suro galiso in ay amarkan ku soo rogto shirkadaha laydhka  in loo sameeyo shirkadahaas cashuur dhaaf ama cashuurta kala badh laga tuuro  si ay shirkaduhu u yeelaan amarkan




Fari kama qodna warbixinada aan soo wado ee ku saabsan guud ahaan gobalka tog dheer iyo dawlada hoose ee magalada burco




Waxay is waydiinayaan bulshadu reer somalilnd dhagax dhiga mashaariic horumarineed iyo amarka dawlada iyo waliba balanqaadka xukumada somaliland ma noqon karaan qaar aan la rumaysan Karin wakhtiyada soo socda  hadaan wax ka tilmaamo su,aasha ay is waydiinayaan bulshadu reer somaliland




1 madaxwaynaha somalilnd axmed siilaanyo ayaa xeer madaxwayn ku dhaqan galiyay in 40kii  cashaba hal maalin guud ahaan somaliland dadku u dareeraan qashin




2.wasiirka wasarada arimaha gudaha MR waran cade oo is na xeer wasiir ku soo saray in shantalaabo guri kastaa marmar la dhigo ama sibidh la dhigo si bilicda magaladu u soo baxdo




Sifiican u fiiri qodobadaas oo dhan miyaanay qonon Karin hal bacaad lagu lisay oo aan halkii laga siiqaadinba




Miyaanay bulshada dhaawac iyo nabar ku noqon Karin  qodobadaas oo dhan marka ay dib u fiiriyaan




Miyanay shaki ku abuuri Karin bulshada kalsoonidii xukumada ay ku qabeen




Miynaay beenin Karin xeerarka kale ee soo socda hadiiba ay kuwaasiba hir galiwayeen




La soco warbixina danbe ee goob kasta taabanaya ee dariiqa ku soo jira waxaanu idiin balan qaadayaa in aan waraysiyo iyo muuqaalo aan idiin soo bandhigo




Abdalla Abu Haniifa




 




Burco Somaliland