Sunday, November 10, 2013

Haweenka Burco oo Diiday Shirka Mucaaridka


Burco(GNA)-Ururka Haweenka Qaranka ee NOW Gobolka Togdheer  ayaa sharci daro ku tilmaamay Shirka Qaran ee ay ku dhawaaqeen Xisbiyada Mucaaradka ahi,waxaanay sheegeen inaanay xaq u lahayn isla markaana aanay aqbali doonin wax shir ah oo aanu madaxwaynu qabanqaabin,




Ururka haweenka Now waxay sidaasi ku sheegeen mar ay saaka shir jaraa,id ku qabteen Gudaha magaalada Burco.
Gudoomiyaha Ururka haweenka NOW  ee Gobolka Togdheer Marwo  Deeqa Waydaar oo ugu horayn shirkaas Jaraai,d ka hadashay ayaa ka warantay sababaha ay ku diidanyihiin shirkaasi.




''Xisbiyadan Mucaaradka ah ee leh waxaanu qabanaynaa shir qaran,shirka qaran waxaa qabankara Madaxwayne,xisbiyada macaaradka ah ee waxoodii noqdeen qorya qoryaynta,hadii aad hadhw wax qabsataan umada ma sidaas baa u galaysaan,waxaan leeyahay maalin walba wax naxdin leh oo umada ku dhibaato ah uun baad odhanaysaan,waxaan hore u dhicinina ma dhacayaan dastuurkeenana kuma qorna”.
Marwo Sahra Basbaaso oo ka mid ah Haweenka ururkan ku midaysan ayaa ku dooday ''Xisbiyada macaaradka ah waxaanu u sheegaynaa Roolkii ay mucaaraddada ku lahaayeen way garan waayeen oo waxay ahayd inay dawlada toosiyaan oo wixii dhaliil ah sheegaan,hadana maskaxdoodii  ayaa la xaday oo waa lagu guuray oo al yidhi shir qaran qabta, shirkaasna waxaa qabankara madaxwaynaha,markii ay arkeen waxqabadka dawlada uu madaxwayne siilaanyo madaxwaynaha ayay is yidhaahdeen  bulshadu maanta idin dooran mayso,Bulshadii waad ku fashilanteene ee idaad u kasbanlahaydeen falawgeed qabta,Xukuumadana waxaan leeyahay nimankan gacan bir ah ku qabta”ayay tidhi.
Nuura Yaasiin Cali iyo Amaal Cismaan Maxamed,oo iyaguna Shirkaas jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay hadii ay haweenka Somaliland yihiin inaanay marna aqbali doonin in shir qaran oo cid aan dawlada ahayni qabato, waxaanay intaasi ku dareen  in shirka xisbiyada qaran ku baaqayaan yahay  shir beeleed taasna lasoo dhaafay 1991 kii .




Axmed Muuse Maxamed  




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com