Boorama(GNA)-Shir ayaa Caawa ka dhacay Magaalada Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, kaasoo ay yeesheen Madaxdhaqameedka, Wax-garadka iyo aqoonyahanka Deegaanka Axmed Yoonis oo ka mid ah Deegaamada Boorama wada degen.
Shirkaasi waxa ujeedadiisa lagu sheegay inay beeshu kaga tashanaysay aayaheeda siyaasadeed, xili marxalad kala guur ah lagu jiro,waxaana goob-joog ka ahaa Suldaan Xasan Baadde oo hogaan dhaqameedka Guud ee Deegaankan.
Xubno ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee shirka ka qayb-galay, ayaa Gobanimonews u sheegay inuu ka dambeeyay tabashooyin beeshu ka qabtay saami qaybsiga siyaasadeed ee xukuumadda laga siiyay , isla markaana ay mustaqbalkooda siyaasadeed ka tashanayeen, go’aana ka soo saari doonaan wixii ka soo baxay shirkaasi.
Shirka ayaa ka dhacay Hudheelka Rays, waxaana bilow u yahay guux siyaasadeed oo beryahanba deegaanka Magaalada Boorama ka soo bu’ayay.
Gobanimonews
Boorama Office
Email: editor@gobanimonews.com