Saturday, November 16, 2013

UCID: Warbaahinta Dawladdu waxay samaysay Cunsuriyad"Warsaxaafadeed


 




JAMHUURIYADDA SOMALILAND




REPUBLIC OF SOMALILAND




 




Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka




UCID




Justice and Welfare Party




حزب العداله والرأف




_______________________________________________________________________ 




REF: SUM: 2030 16/11/2013




WAR-SAXAAFADEED




UJeedo/Canbaareyn Aad U Xoogan Oo Ku Saabsan Cunsuriyadda Lagula Kacay Wariye Siciid- Maazim Axmed Cawaale




Xisbiga(Gobanimonews)16-11/2013  Cadaalada Iyo Daryeelku Waxaa uu War-Saxaafadeedkan COD DHEER Shacbiweynaha Reer Somaliland Ugu Sheegayaa In Guul Caalamiya  Xisbiga Ucid Ka Soo Hooyey Shirkii Caalamiga Ahaa Ee Ka Dhacey Dalka Turkiga Ee Ay Isugu Imanayeen International Socialist ama (Xisbiyada Hanti Wadaaga Caalamka )




Shirkaas Oo Lagu Casuumey Xisbiga Ucid Oo Kaliya Somaliland Ayaa Hadana Magaca Xisbiga Ucid Uu Kaga Qaybgaley Shirka Caalamiga Ah Ayaa Ahaa XISBIGA CADAALADA IYO DARYEELKA EE SOMALILAND




Taas Oo Shirka Aad Ka Dhex Arkeysey Magaca Somaliland




Hadaba Waxaa Wax lala Yaabo Oo Laga Yiq Yiqsoodo Ah In Warkii Guusha Qaran Ahaa Ee Ay Aheyd In T.vga Qaranku Leeyahey U Soo Gudbiyo Bulshada Reer Somaliland Uu Maamulka Wasaaradu Warfaafintu Kala Hortago Wariyihii Warkaa Soo Duubey Cabudhin iyo Cago Jugleyn,Iyada Oo Lagu Eedeynayo Maxaad U Soo Duubtey Guusha Mucaaradku U Soo Hooyey Qaranka Somaliland




Mana Aha Markii Ugu Horeysey Ee TV.ga Qaranka Iyo Radio Hargeysa uu Ku Kaco Falkan Noocan Oo Kale  Ah,Waxay Aheyd Sanadkan Horaantiisii markiii Musharaxa jagada Madexwayne Ee Xisbiga UCID mudane Jamaal Cali Xuseen uu ka qayb galay Shir ama Kulan  Lagu Casuumey Oo Ay Isugu Imanayeen Dalka Maraykanka Ee Cariga  Minnesota (barlamentery iyo Senator’ska )  




Isaga Oo 169 mudane Halkaa Kula Kulmey isla Markaana Musharaxu Ka Jeediyey Khudbad Taariikhiya Oo Soo Jeedisey Indhaha Caalamka, taas oo Aheyd  Guul taariikhiya oo u Soo hoyatay Bulshada Reer Somaliland oo ay ahayd  in loo soo Tebiyo Shacbigeena, Calamkana aan ka iibino laakiin nasiib daro warka  waxaa la Dhigey Hoosta Oo Waa La Qariyey




Waxaas Oo dhami Waxay Cadeynayaan In Xukuumada iYo Wasaaradda Warfaafintu Ay Kala Garan la,dahey Baahinta  Qaranimada Somaliland Iyo Dagaalka Ay Kula Jirto Mucaaradka




Hadaba isaga oo aynu ognahay in t.vga Qaranku oo ka Miisaaaniyad badan yahay Afar Wasaaradood oo qaranku leeyahay  ayaa hadana waxa wax lala yaabo ah in Masuuliiyinta Tv-ga qaranku ay u dhaqmaan si ka baxsan milgaha iyo sharafta uu leeyahay Xilka ay dadweynaha reer Somaliland ugu magacaaban yihiin Taas oo aynu Og nahay in Eexda iyo Sharafta kala Saraysiinta Wararka Ee Axsaabta Mucaaridka ah iyo kuwa Xukuumadda ay Caadaysteen cid kastaaba og tahay,




 waxana taas u Daliil ah in Shirarka Jaraa’id iyo Barnaamijyada labada Xisbi qaran ee Mucaaridka ah ee UCID iyo Waddani ay wax iska caadi ah ka tahay in aan Tv-ga Qaranka laga soo daynin ama hoosta la dhigo inta ay waliba ka soo duubaan




Ugu Danbeyntii Xisbiga Ucid Waxaa Uu Marlabaad Canbaareynayaa Falkaa Foosha Xun Ee Wasaaradda Warfaafintu Kula Kacdey Wariyaha Siciid-Maazim Oo Ah Muwaadin Bilad Sharaf Mudan isla Markaana Aan Gayin Arimaha Fadeexada Ah Ee Wasaaradda Warfaafintu Kula Dul Kuftey




 




 




XOGHAYAH WARFAAFINTA EE XISBIGA UCID                                




                            YUUSUF KAYSE ALL/AHI




            ………………………………………………………………




Alaa Mahad Leh




Wariye Mr Hudle 




Email: Shabachudle@gmail.com




Gobonimonews@gmail.com/ Hargeysa Head Office/Somaliiland