GNA-Dawlada Maraykanka ayaa soo saartay digniin culus oo ay ku sheegayso in kooxda Alshabaab isku fikirka yihiin ee ka jirta dalka Kiiniya ee
magaceega la yidhaahdo Al Hijra ay weerar gaadmo ah ku qaadi karto magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa ee dalka Kiiniya.Warbxinta ayaa sheegtay in kooxda Al Hijra sii xoogaysanayso gudaha Muslimiinta Kiiniya,
Weeraro gaadmo ahna suurtogal tahay in ay la beegsadaan Hotelada,Xeebta Mombasa iyo goobaha habeenkii dalxiisayaashu ku caweeyaan.
Kooxda Alhijra ayaa kaalmo ka hesha kooxda Alshabaab isla markaana labada kooxoodba waxa ay toos ugu xidhan yihiin dhaqdhaqaaqa awooda badan ee Alqaaida.
Dadka reer galbeedka iyo dawladahooga ayaa cabsi wayni soo foodsaartay kadib markii kooxda Alshabaab weerar toos ah ku qaadeen suuqa westagate ee Nairobi,lamana saadaalin karo awooda iyo khatarta ay leedahay kooxdani u eg Alshabaab ee ka dhalatay gudaha Kiiniya.
Gobanimonews.Office-Hargeysa-s/land